|

Munaasibad lagu xusayey sanadguuradii koowaad ee ka soo wareegtay Geeridii marxuum Gaarriye Oo Lagu Qabtay Hargeysa

 Hargeysa10.Oct.2013- (SDN)  waxa Habeenkii xalay Magaalada Hargeysa lagu Qabtay munaasibad  Ballaadhan oo lagu xusayey sanad guuradii koowaad ee ka so wareegtay  Geeridii alla Ha  u naxariistee Macallin Abwaan  Maxamed Xaashi Dhamac Gaarriye, waxana munaasibaddan loo qabtay marxuumka ka soo qayb galay abwaanno, macallimiin, siyaasiyiin, aqooyahanno, dhallinyaro iyo marti sharaf kale oo aad u tiro badan.

 

Munaasibaddan oo ay qabanqaabadeeda iska kaashadeen ururka dhallinyarada ee Sonyo iyo Shirkadda Daabacadda ee Sagal Jat, waxana halksaas lagu soo bandhigay buugaag kala duwan oo marxuumka suugaantiisa laga qoray iyo kuwo laga qoray wixii laga yidhi geeridii ku timi oo suugaan badan laga tiriyey.

 

 Siyaasiyiintii iyo Abwaannadii ka hadlay munaasibaddan, ayaa ku dheeraaday waxtarkii lama illaawaanka ahaa ee marxuumku caanka ku ahaa, waxana ay si weyn u sheegeen in loo baahan yahay in la nooleeyo Taariikhdii marxuumka, maadaama uu ahaa shakhsi caanku ahaa horumarinta bulshadiisa iyo sidii meel sare loo gaadhsiin lahaa dhalinta ku nool Somaliland.

 

 

 

Sidoo kale  abwaanno, aqoonyahanno, iyo qaybo kale oo bulshada ah oo halkaas ka hadlay, ayaa dhammaantood ku dheeraaday taariikhda milgaha iyo maamuuska lahayd ee marxuum Gaarriye, waxana ay ku taliyeen in marxuumku ahaa nin u qalma in munaasibad kuwan ka ballaadhan loo sameeyo, waxana ay ballan ku qaadeen inay marxuumka taariikhdiisa iyo magaciisa meel sare gaadhsiin doonaan, maadaama uu taariikhdii halganka meel sare oo wanaagsan kaga jiro.

 

 

 

S.D.N

 

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed