Munaasibad Caleema Saara oo Maanta loo sameeyay Suldaan Cusub oo reer Hargeysa ah
Hargeysa April 15,2012(SDN)-Wasiirka wasaarada caafimaadka Mud,Xuseen Maxamud Maxamed Xoog,Ayaa maanta ka qayb galay Xaflad lagu caleema saarayey Suldaan cusub oo ka mid ah beelaha deegaanka Hargeysa Suldaan Axmed Cismaan Caddo gude, xafladaasi oo lagu qabtay Huteel Kaah ee Magaalada Hargeysa.
Xafladan caleema saarka Suldaanka Cusub oo ay ka soo qayb galeen , Salaadiin, Xildhibaano, Madax-dhaqameed, Masuuliyiin iyo marti sharaf kale, waxa ugu horayn halkaasi ka hadlay Suldaan Maxamed Suldaan C/qaadir,waxaanuu suldaanka cusub ilaahay uga baryay inuu u fududeeyo xilka loo Ig-maday. Waxaanuu kula dardaarmay inuu noqdo kii lagu soo hirto ee dhex-dhexaadnimo iyo wada jirka ka shaqeeya.
Waxa kale oo isna halkaa ka hadlay xildhibaan Xaji cabdi Xuseen –Cabdi-waraabe, waxaanuu xaajigu sheegay in xafladani ay tahay tii ugu horaysay ee nooceeda ah ee uu ka qayb galo.
Waxaanuu xusay in sababta uu xafladan uga soo qayb galay ay tahay aqoonta dheer ee ay isu leeyihiin suldaanka cusub, anaga oo soo wada shaqaynay ayuu yidhi Xaajigu Suldaanka Awawgii Caddo gude, oo ahaa ayuu yidhi oday nabadeed. Waxaanuu Xaaji Cabdi ilaahay uga baryay suldaanka cusub inuu noqdo kii lagu dego.
Waxa kale oo isna halkaasi ka hadlay masuuliyiin iyo madax-dhaqameedyo ay ka mid yihiin: Boqor Raabi, Suldaan Xiiray, iyo masuuliyiin tiro badan kuwaasi oo suldaanka cusub halkaa uga duceeyey, kana sheekeeyay ahmiyada Nabaddu leedahay iyo doorka madax-dhaqameedyadu Somaliland ku leeyihiin.
SDN-Hargeysa