|

Munaasabada Lagu Maamuusayay Aas-Aaska Ciidanka Xooga dalka oo Muqdisho lagu qabtay

Muqdisho April 12 2013 (SDN)– 53- Guuradii kasoo wareegatay markii la asaasay Ciidanka Xooga dalka Soomaaliyeed ayaa maanta laga xusay magaalada Muqdisho iyo qaar kamid ah gobolada dalka.

Munaasabad Sanad guuradaasi lagu Xusayay ayaa Maanta waxa ay ka dhacday Xarunta wasaarada gaashaandhiga ee Magaalada Muqdisho, waxaana ka qeyb galay Masuuliyiinta ugu Sareysa Dowlada Soomaaliya oo uu ugu horeeyo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Max’ud.

Munaasabdo lamid ah Mida Maanta ka dhacday Muqdisho oo loogu dabaal dagayey 53-guurada kasoo wareegatay Asaaska Ciidanka Xooga dalka Soomaaliyeed ayaa ka dhacday Qar kamid ah Deegaanada Maamul Goboledyada kajira Dalka. Iyo Sidoo kale Gobolo ay kamid yihiin Galgaduud,Hiiraan,Bay,iyo Gobolo kale.

Dhinaca kale Gudomiyaha Barlaamanaka Soomaliya Max’ed Cismaan Jawaari oo Safar dibada ah kasoo laabtay ayaa hambalyo iyo Bogaadin u diray Ciidanka Xooga dalka Isagoona Sheegay in daruufo adag ay ku shaqeynayaan ciidanka.

Waxaa Sanad welba Maanta oo kale laga xusaa Inta badan dalka Soomaaliya aasaaska Ciidanka Xooga Soomaliyeed Waxaana Xuska Sanadkani oo uga duwan yahay sanadihii hore ayadoona ay dalka ka jirto dowlad aan KMG aheyn waxaana xusid mudan in dhawaan ciidanka xooga dalka uu yeeshay Hoogaan Cusub.

Comments are closed