|

Munaasabad Soo dhawayn ah loo Sameeyay Musharaxa Xisbiga Ucid Jamaal Cali Xuseen Iyo Xoghayaha Guud ee Xisbiga Axmed Adan ismaciil Kayse Gurey oo ka dhacday ottawa Dalka Canada Dawasho Wacan

London5 Feb13(SDN)Habeenkii Sabtidii ay ahayd bisha Januray 27, 2013 ayaa waxaa lagu qabtay xaflad aad u balaadhan oon loo kala hadhin magaalada Ottawa ee dalka Canada. Xafladaasi oo lagu soo dhaweynayey waftiga ka socday Xisbiga UCID, oo uu hogaaminayay Musharaha jagada Madaxweynaha ee Jamuriyada Somaliland Dr. Jamal Ali Husein iyo Xoghayaha guud ee Xisbiga UCID Ahmed Adan Ismaciil (Kayse) oo socod dheer ku soo kala bixiyey waqooyiga America.

Xafladaasi oo ay soo qaban qaabiyeen taageerayaasha Xisbiga Caddaalada iyo Daryeelka ee UCID. Ayaa ahay mid ay kasoo qayb galeen dhamaam jaaliyada reer Somaliland ee daggan magaalada Ottawa. Halkaasi oo ay Siyaasiyiintu kula kulmeen dhalin-yaro iyo waayeelba, shicibka reer Somaliland ee daggan magaladana oo ay aad ugu riyaaqayeen uguna faraxsanaayeen in ay la kulmaan wafdigan.

Waxaana halkaa ka jeediyey khudbado dhaadheer waxgaradka jaaliya reer Somalilaand ee Ottawa, wakiilka Somaliland u fadhida Cadana iyo Xildhibaano ka tirsan Xisbiyo kaleba. Waxaanay ahayd kulan aad u qiima badan Siyaasiyiintuna ay aad uga mabsuudeen in ay la kulmeen jaaliyada halkan ku nool oo ah dad runtii aad ugu han wayn soona dhaweeyey waftiga UCID ee booqashada ugu yimid.


Published: 2013-02-05

Gabiley News on Facebook


Gabiley News Agency on Facebook
ASMAA UL XUSNAA

articles top 10

1 Alla doori sawkaa Darka jiidhay maaweel…..


2 Somaliland: time of trial


3 Ma ku baraaa, Riyaale ma kuu bilaabaa! Faallo: Cabdirisaaq M. Dubbad,


4 KULMIYOOW HOOS HASU DHIGIN EE MEEL SARE WAX KA EEG


5 golaha guurtida shacabkaa idin fasaxay muddo lix bilood ah


6 BURCO BIRIJYADEEDII DHISATAY HARGAYSA BOODHKAYKU QASTAY.INA DAAUUD DADKA HARRAADAY WAX U QABO WADDO U DHIS CEELAAL U QOD .MATIHID AHMED HAJI WASIIRKA WARFAAFIN


7 DADKA DALKA JOOGAA MA MIYIR QABAAN MISA WAA WALAN YAHIIN MIYAANAY IS DHAGEESAN


8 Riyaalow Adigu Markii Aad Berbera Ka carartay Ee aad Laascaanood Orodka Ku Gashay Bal Magac U Bixi Wixii Ku Eryanayey Iyo Wixii Aad Aaminsaneyd?‏


9 Af Nooli Waa Hadlaa, Eyna Waa Ciyaa


10 FW: XOG KU SAABSAN KUUL CARRAHA HADA LA HADAL HAYO

 qurbejoog.com
Uk London

Comments are closed