Munaasabad lagu xusyay 69-sano guuradii ka soo wareegatay Aasaska Ciidanka booliska oo Muqdisho ka dhacday
Muqdisho Dec 20 2012(DN) Munaasabad lagu xusayay 69-sano guuradii ka soo wareegatay Aasaska Ciidanka booliska Soomaaliyeed ayaa maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho.
Xaflad si weyn loo soo agaasimay islamarkaana ay ka soo qeyb galay madaxda dowladda Soomaaliya oo uu ugu horeeyo Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo madaxda ciidamada booliiska aya waxa ay ka dhacday dugsiga tababarka booliska ee Ganaraal Kaahiye.
Intii ay soco tay Munaasabada lagu xusayay 69-sano guuradii ka soo wareegatay asaaska booliska ayaa waxaa halkaasi qudbado kala duwan oo lagu amaanayo wax qabadka ciidanka booliska ka jeediyay madaxdii ka soo qeyb gashay, waaxana la isk raacay in ciidanka boolisku ay yihiin cudu muhuum u ah amaanka gudaha dalka.
Taliyaha Ciidanka booliska Soomaaliyeed Shariif Shaykhunaa Maye oo ka hadlay munaasbada ayaa sheegay ciidanka booliska ay qabanayaan howl adag oo aysan jirin ciidan kale oo qaban kara.
Maye ayaa amaanay dowrka ciidanka boolis ay ku leeyihiin Amaanka dalka waxaana uu ugu baaqay in ay sii wadaan shaqada ay u hayaan shacabka Soomaaliyeed.
SDN-Muqdisho