|

Munaasabad lagu xusayey maalinta laanqeyrta case e caalamiga ah oo Hargeysa lagu Qabtay

Hargeysa May 08,2012(SDN)-Munaasabad lagu xusayey maalinta laanqeyrta case e caalamiga ah oo ku began Bisha May sideedeeda ayaa maanta lagu qabtay xarunta Bisha case e Somaliland.

Munaasbadaas oo ay ka soo qayb galeen wasiirka Dhalinyarada, ciyaaraha, iyo Dhaqanka Mudane Cali Siciid raygal Agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Cabdi Axmed Nuur (Cabdi Gurey) , Gudoomiyaha bisha case e Somaliland Axmed cabdi Bakaal, Gudoomiyaha hay’adda wadaniga ah ee ODXA faadumo Siciid, Gudoomiyaha xafiiska bisha case e Gobolka Maroodijeex iyo marti sharaf kale .

Gudoomiyaha bisha case ee Somallamd Axmed Cabdi Bakaal oo sheegay inay bisha cas iyo laanqayrta cas yihiin labo hay’adood oo mataano ah isla markaana waxaa halku dhiga sannadkan laga dhigay sida uu xusay sannadkii dhalinyarada waxa kale oo Gudoomiyahani sheegay in Dhalinyaradu ay ku jiraan geedigii horumarka isla markaana baahi weyn loo qabo sidii loo hagaajin lahaa mustaqbalka dheer ee sugaya sidii ay ugu gudbi lahaayeen.

Wasiirka Dhalinyarada, ciyaaraha, iyo Dhaqanka Mudane Cali Siciid Raygal oo munaasibadaasi ka hadlay ayaa sheegay sida uu ugu faraxsan yahay inuu la wadaago 187 wadan oo adduunka oo dhan oo xusas noocan oo kale ahi ka socdaan,waxaa kale oo wasiirka dhalinyarada ciyaaraha iyo dhaqanka ee Somaliland hambalyo u diray maalinta bisha cas iyo laanqayraha cas waxa uu wasiirku intaas ku daray in horumarka ay dhalinyaradu ku socdaan uu yahay mid muuqda isla markaana ay rajaynayaan in wax badan oo noloshooda dhibaato ku keenayay ay ka sii hor qaadi doonaan.

Waxaa kale oo madashaasi ka hadlay Gudoomiyaha Bisha cas ee Gobolka Axmed Ciise,iyo Gudoomiyaha Ururka Wadaniga ah ee UDXO Marwo Faadumo Siciid iyo Gudoomiyaha Wacyigelinta ururka bisha cas Guuleed Xasan.

SDN-Hargeysa

contact@somalidiasporanews

Comments are closed