Munaasabad lagu xusayay 50-sano guuradii ka soo wareegatay Aasaaskii AU oo ka dhacday Muqdisho
Muqdisho May 23 2013 (SDN)— Munaasabad Balaaran oo lagu xusay sanadguuradii 50aad ee ka soo wareegatay Aasaaska Ururka Midowga Afrika ayaa maanta lagu qabtay Magaalada Muqdisho.
Munaasabadan oo aheyd mid balaaran ayaa waxa ka qeybgalay Madaxweynaha Soomaaliya, Wakiilka Midwoga Afrika ee Soomaaliya, Uqaabilsanaha Midowga Yurub ee Soomaaliya, Ambasadoro, Taliyayaasha AMISOM iyo marti kale, waxaana ay ka dhacaday Dugsiga Xalane ee Muqdisho.
Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay Musaabadaasi ayaa waxa uu sheegay in Soomaaliya ay kamid tahay Aasaasasha AU waxaana uu tilmaamay in horay ay Soomaaliya u marti galisay kulan weynaha Madaxda Afrika.
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa carabka ku adkeeyay in ay qorsheynayaan in sanada soo aadan Shirka Midowga Afrika lagu qabto Magaalada Muqdisho sida uu hadlka u dhigay.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa u hanbalyeeyay Umada Afrika waxaana uu sheegay in uu ka qeybgalayo xaflada weyn ee ka dhici doonta Magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia.
Sidoo kale wakiilka Midowga Afrika Anaadiif oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in Midowga Afrika uu ugu hanbaleynayay sanadguuradooda 50aad waxaana uu sheegay in ururku intii uu jiray uu ku guuleysatay qorshayaal badan.
Madax kale oo goobta ka hadashay ayaa si isku mid ah ugu hanbalyeeyay Ururka Midowga Afrika.
SDN-Muqdisho