|

Munaafaqadda Waddani Uu Weli UCID Ku Waddo- Ee Awal Barri waa UCID sooc ah.

Waxaa wax lala yaabo ah markii aanu caawa telefisionadda ka daawanay niman sheeganaya beesha Awal Bari oo Waddani ku biiray. Tolow xeeladahan jabahdaysan ee beenta ah Kulmiye ayaa lagu yaqaanee ee show Waddani baaba ka daran. Xildh Naasir Xaaji Cali oo awalba lagu oggaa inuu Waddani yahay oo qoladdii raacday Cirro ahaa, isagoo afar nin oo beeshiisa hoose ee Cumar Jibriil oo aan la soconin isaga inuu yidhaahdo waa Awal Barri baa ku soo biiray Waddani waa ku ceeb nin dhan oo xildhibaan sheegta. Laakiin waxa ka sii daran Cabdiraxmaan Cirro oo lacagta xafladda bixiyey is yidhina waatan UCID lagu shidayee ka faa’iidayso. Mr. Cirro hadduu Naasir Xaaji Cali cid kuu keeni karo waakii qof is sharaxa Ciise muuse iyo Cumar Jibriil kaaga keeni kari waayey doorashaddii ugu danbeysay. Xildh Naasir wuxuu ogyahay in beeshu Jamaal Cali Xuseen la jirto oo Iskuul ka dhisay Burco, Jamaalna uu xildhibaan Baarlamaanka ah ka soo sharaxaayo nin kale oo mug leh oo isla beesha ah.
Cabdiraxmaan Cirro mar kale ayuu faysal dhinac uga qoslayaa haddana inamaddii habar Yoonis ku yidhi ka baxa UCID. Weliba kii inaadeerkii ahaa ee UCID u il duuftay ee ay xoghayaha Guud ka dhigtay ee Muuse Cabdalle Mr. Axmed Keyse ku yidhi ka bax UCID oo weliba la dagaalan. Imikana isaga iyo mid ay Ibraahim Talaabo yidhaahdaan noqdeen rag loo soo kireystay dagaalka UCID oo London laga keenay oo hotel Safari Hargeysa laga bixiyo. Dagaalkan labaad ee UCID lagu waddo maaha dawladdoo keliyee waa mid shirqool uu Cabdiraxmaan Cirro mar kale ku rabo inuu UCID ugu dhameeyo, laakiin isagay sahansan.
Cabdillahi Ciise Jaamac
Hargeysa, Somaliland

Comments are closed