Munaafaqada Meheradaha Soomaalida ee Qurbaha iyo Bisha Barakeysan ee Ramadaan
Edmonton July 14,2013(SDN)-Dhawrkii maaalmood ee aynu ku jiraya Bisha Barakeysan ee Ramadaan ayaa waxa eebe ii suurto geliyay in aan isaga goosho dhawr magaalo oo ay Soomaali faro badani ku nooshahay isla markaana ay ku yaaliin Makhaaxiyo wax laga cuno.
Makhaaxiyadahan ayaan u kuurgalay habka ay macaamiishoda ula dhaqmaan inta lagu gudo jiro Bisha Barkeysa ee Ramadaan.
Maqaaxiya in yar oo ka mida ayaa sidooba xidha maalmaha Soonka lagu guddo jiro,halka qaar kalena ay xidhan yihiin wakhtiga dadku gudanayo waajibaadka Soonka.
Balse Badanka Makhaaxiyaha Soomaalida ayaa waxa ay ka siman yihin caado aan hore looga baran meheradaha Muslimka.
Cadadaas oo nagu cusub sanadadii u danbeeyay ayaa hadana sii kordheysa sanadba sanadka ka danbeeya.
Meheradaha Somalida ee diyaariya raashinka diyaarka ah ayaa furan sacadahoodii caadiga ahaa ee dadkuna soomanaa.
Waxaase ay dadka Soomaalida ah oo aaney ku jirin Carbata iyo qowmiyadaha kale ee Muslimka u diidaan raashinka ay cidwalba oo kale ay ka iibiyaan.
Ruuxa Soomaaliga ah ayay Makhaayaduhu ka ibiyaan Raashinka balse waa ay iska hortaagaan in uu fariisto oo raashinka uu ku cuno Makhaaxida gudaheeda.
Soomaalida Meheradan u raashinka doonta ayaa u badan qaar aanu soonku ku waajin oo ay ka mid yihiin Haween xiligii Dumarka ku jira oo aan aqaladooda laga sooman yahay raashin ku cuni karin kareyn.
Dadka qaarbaa xanuunsan oo aan awoodin in ay Soomaan,halka qaar kale ay Safar yihiin.
Hadaba waxa isweydiin mudan sababta ay Meheradahani hadii alle ka cabsi ku jiro ay u furaan maqaaxiyaha.
Hadiise ay dadka kale ka iibinayaan ay Soomaalida ugu diidayaan,ma waxa jira Fatwo aynaan ogeyn oo arinkan u fasaxaya,Cajiib.
SDN-Edmonton
contact@somalidiasporanews.com