|

Mujj.Cali Gurey:Waxan ogaaday sababta keli ahayd ee Axmed Silanyo uu mucaaridka ugu noqday Siyaad Bare

Hargeysa Sept 27,2013(SDN)-Guddoomiye ku-xigeenka sadexaad ee Xisbiga UCID Mujj.Cali Yusuf  Cali Gurey ayaa qoraal uu dhigay boga Facebook ayaa uu uga waramay sababha uu isleehay Madaxweyne Axmed Siilaanyo waa uu ugu biiray Jabhadii SNM.

Md Cali Gurey oo ka mid ahaa sarakiishii sar sare ee Jabhadii SNM ayaa waxa uu qoraalkiisan diirada ku saaray habka uu madaxweyne Axmed Siilaanyo dalka u hogaaminayo isaga oo bar bar dhigaya tabihii uu “macalinkiisii Siyaad Bare” Soomaaliya u xukumayay.

Waxan caawa is waydiiyay muxuu Axmed Silanyo tollow mucaaridka ugu noqday macalinkiisii Siyad Bare. Waxan waayay sabab kale oon ahaayn xilkii wasiir nimada ee uu ka qaaday. Miyuu ina odhan karaa waxan ku diiday dulmi iyo cadaalad daro, miyuu odhan karaa qabyaalad, eex iyo qaraabo kiil, miyuu odhan karaa musuq maasuq. Intaa midna ma odhan karo. Xukuumadii uu wasiirka ka ahaa ee Siyaad Barre ayaa kun goor ka wanaagsan tan isagu uu madaxwaynaha ka yahay”ayuu Guddoomiye Cali Gurey ku yiri qoraalkiisa.

Guddoomiyaha sadexaad ee UCID ayaa ka mid ahaa ragii ay halganka kawada qeyb qaateem Madaxweyne Axmed Siilaanyo balse ay haatan ku kala tageen siyaasada dalka.

SDN-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed