Mujaahid Cali Guray oo amaanay Talaabadii ay Ciidanka Qaranku kula Wareegeen Magaalada Saax dheer iyo Kala Daadashadii Qorshihii Galaydh
Hargaysa 28.Aug 2014 (SDN/QJ)- Guddoomiye Kuxigeenka saddexaad ee Xisbiga UCID Cali Maxamed Yuusuf (Cali Gurey), ayaa soo dhaweeyay talaabadii ay ciidamada qaranka Somaliland kula wareegeen Magaalada SAAX-DHEER oo ka tirsan Gobolka SOOL,taas oo lagu waday in saaka lagu caleemo saaro Cali Khaliif Galaydh, balse Xukuumadda Somaliland ay arrintaasi is-hortaagtay.
Cali Gurey waxa uu sidaa ku sheegay qoraal uu maanta ku baahiyay bartiisa Shabakada Xidhiidhka Bulshada ee Facebook-ga, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay “Saaka waxa la leeyahay Saax Dheer iyo wufuudii Muqdisho uga timi caleema saarka Cali Khaliif ba Ciidanka Qaranka ayaa kabaha la dul maray. Maxaa koofiyad iyo cimaamada dulaysa? Maxaa firxad yaacaya oo leh i bixiyow i bixi?. Walawayn caqli xumaa meesha Dhulbahantaa laga warwareegayaye ma xukuumadda Muqdisho ayaa la ogolaan karaa inay maamul goboleed Somaliya ah ka dhex dhistaan Somaliland?. In kasta oy ahayd inay digniino hore bixiso hadana anigu tan ku eedayn maayo xukumaddu maxay gacamaha uga laaban wayday ee isaga daawan wayday.”
“In kasta oon ilaa hadda waxba kala caddayn hadana waan ka xumahay wixii dhimasho iyo dhaawac ah haddii ay jiraan. Wixii aan Somaliland ahayn ee halkaa yimidna waxan u arkaa inay faduul galeen iyaga oo uga jeeda ku xumee Somaliland, halka mar walba aan u arko khilaafka Somaliland iyo khaatumo na khilaaf Somaliland dhexdeeda ah oo u baahan in caqli lagu maareeyo een gacan ka hadal lagu deyin”.
Hargaysa SDN/QJ
contact@qurbejoog.com