Muj. Xasan guure oo Qeexay Hummaag Ladh Ku soo Kiciyey Shacbiga JSL oo ku Ladhnaa Aaskii Gen. Cali Samatar Muqdisho Loogu Sameeyey iyo Xujo Lagu Shaqlay Meydkiisa
Hargaysa 30.August 2016 (SDN/QJ):-Guddoomiyaha Madasha wadatashiga iyo Toosinta Qaranka Somalialnd Mujaahid Xasan Guure Jaamac, ayaa Madaxweynaha Dawladda Somaliland ugu baaqay in uu qaban-qaabiyo shirweyne qaran oo meel isugu keenna dhammaan beellaha walaallaha ah ee wada degan dalkan Somaliland, kaasi oo ajandihiisu yahay sidii looga wada tashan lahaa isla markaana loo qiimayn lahaa marxalladaha dhaqan-dhaqaalle iyo midda siyaasadeed ee ku geddaaman qarankan Somaliland iyo dawladnimadiisa.
Xasan Guure Jaamac sidoo kale waxaa uu farta ku goday qaabka ay dawladda federaalka ah ee Soomaaliya u agaasintay una aastay meydkii Madaxweyne ku xigeenkii taliskii Millateriga ahaa ee Maxamed Siyaad Barre oo dhawaan jinaasad qaran loogu sameeyey xarunta wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya ee Muqdisho iyada oo baroordiiqda geeridiisa darteed hoos loo dhigay Calanka dalkaasi.
Waxaanu hoosta ka xarriiqay in marka laga hadlayo Gen. Cali Samatar aanay macnaheedu ahayn in shakhsiyadiisii loo jeedo hase yeeshee loo qun yeesho xajmiga iyo awoodda uu lahaa xilkiisu waqtigii taliskaasi tacadiyada ka geysanayay deegaannada ay dadka reer Somaliland ka soo jeedaan ee xilligaas loo yaqaannay gobolllada waqooyi ee dalkii Soomaaliya.
Xogwaranka Guddoomiyaha Madasha Wadatashiga Soomaaliland Muj. Guure, waxaa uu sheegay in Madaxweynaha Somaliland ay taariikhdu xusi doonto haddii uu wada-tashi meeqaam leh isugu yeedho labeenta bulshada, waxaana isaga oo sababaynaya dooddiisa uu yidhi “Waxaynu u baahannahay oday inta uu isugu keen yeedho oo dadka isugu wada yeedh, [kadibna] shir weyne qaran qabta, mashaakilka dalka yaalla [lagaga wada hadlo oola yidhaahdo] waar sidee dawladnimaddii innoo deeqaysaa, halkaynu maraynaa, maxaynu’se ku heshiinnay [yidhaahda] ayaynu u baahannahay. Haddii uu madaxweynuhu taas sameeyana taariikhda baal-weyn buu ku qormayaa”. Sida ayuu yidhi Muj. Xasan Guure Jaamac oo magaallada Hargeysa xog-waraysi gaar ah ku siiyey Weriye Aadan Cabdi Ciidle oo Telefishanka Horn Cable ka tirsan.
Waxaanu Xasan Guure Jaamac Intaas ku daray isaga oo sii faahfaahinaya hadalkiisa “ Kol haddaynu isu wada nimaadno oo aynu taas [wada-tashiga] samayno oo maanta ay saddexdii dhinac [beesha dhexe iyo labada beellood ee darafyada] isu soo wada dhaw yihiin, Odaygii Cali Khaliifna innoo soo socdo, waxaa aynu u baahannahay madal ballaadhan oo aynu ku wada hadalno, haddiise ay taasi dhici weydo Somaliland dib bey u kala tegi doontaa”. Ayuu Guddoomiyaha Wada-tashigu ku dooday.
Dhinaca kale Mar uu Weriye A. A. Ciidle oo Xog-waraysiga la yeedhay Muj. Xasan Guure uu wax ka weydiiyey geeridii Gen. Maxamed Cali Samatar oo toddobaadkii hore ku geeriyooday wadanka Maraykanka isla markaana Aas qaran loogu sameeyey Magaallada Muqdisho ee xarunta wadanka Soomaaliya, iyada oo meydiiska lagu shaqlay calanka dalkaas, “ Marka aan Maxamed Cali Samatar ka hadlayo, qofnimadiisii maaha ee Waxa aan ka hadlayaa Xil iyo wasiir [Title]. Xilkaasi waxaa uu ahaa xilkii Qirtay in uu duqayntii Hargeysa isagu amarka bixiyey…..Ninka Aabihii iyo saddexda ay walaallaha ahaayeen isagoo Ilmaynaya laga dul qaaday ee dariiqa lagu toogtay ee sidii ku maqan, Marka Calanka loogu duubo [meydka] Cali Samatar, [waa su’aalle] Muxuu [qofkaasi] Calanka Soomaaliyeed ku doonaa!!!?”.
Ayuu yidhi Mr. Guure, waxaanu hadalkiisa ku ladhay tiraab xujaysan oo uu qaab su’aallaysan u dhigay “yacnii [calanka lagu deday meydku maxay kadhigan tahay] ma dhibtaas dhacday berritana tiiyoo kale aan sameeyee ii kaalay baa!!!?”. Ayuu xogwaraysigiisa ku soo gebogabeeyey guddoomiyuhu.
Xasan Guure Jaamac waxaa uu ka mid yahay Mujaahidiin SNM imikana waxaa uu guddoomiye ka yahay Urur la baxay madasha wadatashiga iyo Toosinta qaranka oo ay ku mideysanyihiin qaar ka mid ah mujaahidiintii SNM kaasi oo bishii July ee sanadkii 2013-kii lagaga dhawaaqay magaallada Hargeysa, balse xilligaasi ay xukuumadda Somaliland ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo si weyn uga soo hor-jeedsatay aasaaskiisa, iyada oo ku dooday in aanu sharci ahayn.