Muj. Dhegoweyne oo Xaal Ka bixiyey Hadallo uu Madaxweyne Siilaanyo hore uga sheegay kana Hadlay Mawqifka Golaha Wada-tashigu arrintaas ka taagan yahay
Hargeysa:17-Aug-2013-(SDN)- Muj.Ibraahim Cabdillaahi Xuseen (Dhegaweyne) oo ka tirsan Siyaasiyiinta ku dhawaaqay Golaha Wada-tashiga iyo Toosinta Qaranka Somaliland, islamarkaana saamayn ballaadhan ku leh siyaasadda somaliland, ayaa shaaca ka qaaday inuu xubno Odayaashiisa ka mid ah ka dalbaday inay Madaxweynaha Xaal uga geeyaan Hadal dhiif lahaa oo hore uga soo baxay, waxana uu ku nuux-nuuxsaday inaanu xaalkaasi ka turjumayn mawqifka Golahooda.
Ibraahin-Dhaga-weyne ayaa hadalkaas u sheegay shabakadda Berberanews, isagoo intaas sii raaciyey inaanu jeclaysan war ay jimcihii qaar ka mid ah warbaahintu ka qoreen isaga(dhegoweyne) oo ku tilmaamay mid laga xumaado.
Mujaahidka oo Arrintaas ka hadlaya, ayaa yihid, “Waxaa wax laga xumaado ah warkii ku soo baxay shalay Wargeska Yool ee cinwaankiisu ahaa ‘Raggii magtii Jihaad doonayay baa maantana doonaya Ibraahin Dhegayweyne inay xaal ka bixiyaan’ kaasoo lagu aflagaadeeyay Wasiirkii hore ee Waxbarashada Xasan Xaaji Maxamuud (Xasan Gadhweyne) iyo Saleebaan Cumar Ku-joog, anigaa idhi xaalka iiga geeya Madaxweynaha, xaal baan ka siiyay gefkaa lagula kacay, mana geyaan xumaanta intaa leeg nimankii ila shaqaynayay halgankii aawaday loo haystay weeye ee illaa Afweyne nimankii ila shaqayn jiray.”
Mujaahidka oo hadalkiisa sii watay ayaa yidhi, “ Cidda sammaysa ama warka qortay iyadaa masuulliyadda qaadi doonta oo lagula xisaabtami doonaa, mana aha in sharaf-dhac iyo qiime dil lagu sameeyo oo xumaan aanay galabsan dusha laga saaro. Saleebaan Cumar-ku-joog iyo Xasan Gadhweyne wakhtigii halganka waa Raggii ila shaqeeyay, ee loo haystay Ibraahin baad la shaqaysaan.”
Mar uu Dhegoweyne ka hadlayey arrinta Golahooda xurguftu ka dhaxayso Dawladda waxa uu yidhi, “ Gebo-gebadii, Mawqifkii Golahahayaga iyo ciddii ay hawshu naga dhaxaysay waa sideedii, arrinta raalligelintu waa mid aniga ii gaara oo aan Golahayaga ka turjumayn.”
Xaalkan uu mujaahid Dhegoweyne oo ah nin mawaaqiif adag mar walba qaata, ayaa la aaminsan yahay inay dabacsanaantan cusub ka keeneen qaar ka mid ah Odayaasha ay isku Beesha yihiin, waxana ay arrintaasi shaki hor leh kala dhex dhigi kartaa Golaha Wada-tashiga iyo Toosinta Qaranka oo uu ka yahay xubin aad muhiim u ah, waxana laga yaabaa inay hadalkiisan qoonsadaan Odayaasha ay isku Golaha ka wada tirsan yihiin.
Contact@somalidiasporanews.com
Xigasho. Berberanews.com