Muhaajiriin Somaali ah oo Boqol qof ku dhow oo Ku Naf Waayay Xeebaha Talyaaniga
Lampedusa 03.Oct 2013 (SDN)-Ugu yaraan 92 qof ayaa dhimatay, tiro intaas ka badanna waa la la’ yahay kaddib markii doon sidday muhaajiriin Afrikaan ah oo Soomaali ay ku jiraan ay maanta ku degtay xeebta jasiiradda Lampedusa ee dalka Talyaaniga.
Duqa magaalada Lampedusa, Giusy Nicolini ayaa sheegtay in la helay maydadka 92 qof, oo u badan Soomaali iyo Eritrean, iyadoo intaas raacisay in dhimashadu ay sii kordhayso.
Maydadka waxaa la geynayaa dekedda Lampedusa.
“Waa argagax, sidii in xabaalo laga soo saarayo ayaa la keenayaa maydadkooda,” ayay u sheegtay warfidiyeenno.
Ciidanka ilaalada xeebaha ayaa ku qiyaasay tirada dadka saarnaa doonida quustay 400 ilaa 500 oo muhaajiriin ah, ilaa haddana 150 qof ayaa la soo badbaadiyay.
Kumannaan muhaajiriin ah oo ka tahriiba Afrika ayaa sanad kasta gaara Talyaaniga iyagoo raaca doomo aan la isku hallayn karin oo dad badan ay saaran yihiin, waxayna badankood ka degaan jasiiradda Lampedusa oo 130 km dhinaca badda u jirta dalka Tunisia.
Doonta ayaa quustay afar maalmood kaddib markii 13 muhaajiriin ah ay dhinteen kaddib markii dooni ay saarnaayeen ay ku quustay xeebaha Talyaaniga.
Lampedusa SDN.
Qurbejoog.com