Mudo Shan Sanno ah iyo Tirada Guud ee Ciidanka Booliska Kenya ay Dileen oo la Daahfuray
Nairobi 29.June 2014 (SDN/QJ)- Booliiska dalka Kenya ayaa toogasho ku dilay 1,000 ruux muddo shan sano gudahood ah , sida lagu sheegay warbixin uu soo saaray urur Madax-bannaan oo ka shaqeeya caafimaadka kana howlgala dalka Kenya.
Ururka IMLU ayaa ciidammadda amniga Kenya ku eedeeyay dhimashada inta badan dadkii ahaa 1,873 qof oo ku dhintay shilal la xidhiidha hub intii u dhexeeysay 2009 iyo 2013, sida uu qoray wargeyska The Standard ee kasoo baxa Kneya.
“In ka badan 60% ayaa laga gudbaa iyagoo aan bixin sababihii keenay inay qofka toogtaan ama xaaladdii kaliftay inuu askarigu hubka lasoo baxo,” ayuu yidhi Eric Thuo oo ah mas’uul ka tirsan IMLU kana mid ah saraakiishii daraasadda sameeyay.
Eric Thuo oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa raaciyay
”Waa hal-ku-dhig inaan maqalno tuhmanaha ayaa rasaas nagu soo furay oo wiilasheenna ayaa xabbad ugu jawaabay ama qofka la tuhmayo ayaa qori ula soo baxay askarteenna.”
Warbixinta ayaa muujisay in dhallinyarada da’doodu u dhexeeyso 20-ka illaa 29-ka sano ay u badan yihiin dhibanayaasha ku dhinta xabbadaha. In ka badan 86% oo dhimashada guud ah ayaa ka timid is-rasaaseyn ka dhacday Nairobi.
Dhanka kale, booliiska ayaa shaaciyay inaanay dib dambe uga tiirsanaan adeegga sirdoonka Qaranka (NIS) si ay warbixin uga helaan jariimooyinka, laakiin ay taas ay ku bedelayaan ballaadhinta laanta sirdoonka dambiyada (CIU) si ay xogta sirdoonka u ururiyaan.
Tani waxay timid markii weerarro waaweyn ay dhawaan ka dhaceen Kenya saraakiil booliiska ka tirsan lagu eedeeyay inay ku fashilmeen ka hortagga weerarradaas iyo inay fulin waayeen digniinihii sirdoonka.
Nairobi SDN/QJ
contact@qurbejoog.com