|

Mudo laba maalmood oo wisiirka madxtooyadu joogay hotel palza uk ayaan ogaaday inuu yahay mas’uul wanaagsan oo hawl kar ah!!!!

Waxaan halkan ka salaamyaa warbaahinta sida fiican noogu shaqaysa ee wararka noo kala tebisa. Intaasi kadib tan iyo intii ay dawladan kulmiye mincaaradka ay ahayd maan tegin dalkii balse waxaan ka mid ahaa qurba jooga taageera kulmiye.

sidaasi darteed markii kulmiye qabsaday dawladnimadii somaliland waxaa la magacaabay xukuumadii xilka hayn lahayd  markaa waxaa ka mid ahaa xubin aynaan inagu hore u maqli jirin oo ah cheif of cabinatka oo somaliland dhegahooda ku cusbayd taasi oo madaxweyne Axmed Maxamed siiraanyo uu magacaabay xirsi xaaji cali xasan oo ah nin dhalinyaro ah isla markaana ah xubin firinfircoon,

markaa dadku may aqoon booskaasi balse markii danbe madaxweyne Axmed Maxamed siiraanyo wuxuu u magacaabay wisiirka madaxtooyada inkasta oo aanaan aqoon isu lahayn balse aan bartay markii uu soo racay wafdigii  madaxweynaha sanadkii hore.

Hadaba waxaan ogaaday inuu xirsi yahay nin aad hawl karu ah oo waliba ah nin aad u xishmeeya dadka cidkasta oo uu la kulmo, waxaan aad u sii ogaaday mudo yar oo uu ku jiray hotel palza uk oo dad badan oo ka kala yimid daafaha uk uu ku qqabilayey hotelkaasi qof kasta oo la kulmaana uu ka mahad sheeganayey wax kasta oo uu ugu tago haddii ay tahay dan guud ama dan gaar intaba aniga kulnkayagu muu dhaafin salaan balse waxaan aad iyo aad ugu dhaba galyey dadka ku soo booqanaya hotelka oo run ahaantii qof kasta oo la kulmaa uu ka soo baxayey isaga oo u mahad celinaya wisiirka hadaba isaga oo ka mid ahaa wafdiga somaliland ee shirka somaliya iyo somaliland ee london ku dhamaaday hadana wuxuu qabtay hawlo badan oo dheeraad ah.

Iyada oo wisiirada oo dhami ay daweynaha qaabilayeen hadana isagu waxa u dheeraa waa wisiirkii madaxtooyad oo wuxuu toos ula jooga madaxweynaha waana nin ka wakiil ah madaxweynaha somaliland runtii in kasta oo uu cadaw badan yahay hadana anigu maan moodayn ninka sidaasi u cadawga badani inuu si kalsooni ku jirto u qaabilayo dadweyne rag iyo dumarba leh oo ka kala yimid daafaha uk iyo gudaha london.sidaasi awgeed waxaan ogaaday laba jeer oo uu london yimid wisiirka madaxtooyadu inuu yahay mas’uuliyiinta ugu qaalisan somaliland dhinac kasta oo laga eego,

markaa aniga oo u mahad celinaya dhamaan wafdiga somaliland ee ka soo qayb galay shirka london ee somaliya iyo somaliland guulaha waaweyn ee ay ka soo hooyeen hadana waxaan si gaar ah ugu mahadcelinayaa qaabilaada wanaagsan ee wisiirka madaxtooyadu ku qaabilayey dadweynihii badaanaa ee ka kala yimid daafaha uk isaga oo qol hudheelka ka mid ah u kiraystay si uu ugu qaabilo dadka reer somaliland ee degan uk.Waxaa intaasi dheer dadka wajiyadooda oo ay ka muuqatay farxadi marka ay ka soo baxaan wisiirka oo aad fahmayso in qofkaasi ku guulaystay wixii uu ula tegay wisiirka.

Waxaa kale oo intaa dheerayd isaga oo xalinayey wixii loo sheego ee dhibaato guud ah ama jaaliyada gudaheega wixii khilaaf ah ee ku jira,waxaa kale oo uu soo kormeeray tviiga qaranka oo runtii aan odhan karo waa waxyaalaha ugu wanaagsan ee xukuumada Axmed maxamed siiraanyo soo gaadhsiisay qurbaha taasi oo goor walba loogu mahadnaqo xukuumada.

Waxaan u mahad celinayaa wisiirka madaxtooyada oo aan odhan karo runtii waa hawl kar ilaahy ku manaystay garasho iyo dhabar adayg,hawl jacayl lexejeclo badan oo uu ka qabo dalkan runtii waxaan odhan karaa waa shakhsi ildheer oo maalin qofka uu arko aan ilaawayn nin walbana magciisa uu soo dhufanayo mudo kasta oo isugu kiin danbaysay.gunta iyo gabagbadii waxaan u soo jeedinayaa ummad reer somaliland in ay kalsooni buuxda ku qabaan madaxdooda madaxweynaha somalilandna waxaan usoo jeedinayaa wixii aad tarteen waa la arkaa wixii idiin dhimana fuliya iyada oo tamartiinii la og yahay hadana wixii aad kari kartaan waa la idinka sugayaa.

waan u mahadcelnayaa wisiirka madaxtooyadana waxaan leeyahay ilaahay hawkarnimadaada hakugu garab galo, dhamaan qurba joogii aad qaabishay way kaa wada mabsuudeen waanay kuu soo mahad celinayaan dhamaantood.

Waxaa kale oo aan hambalyo u dirayaa wafdiga somaliland ee ku guulaystay in ay soo qaabeeyaan wada hadalada somaliya iyo somaliland inta hadhayna waa la dhamays tiri doonaa ummada reer somaliland waxay raali ka tahay meel kasta iyo madal kasta oo somaliland ka qayb gasho

Abdi Dahir Amoud
adamuud@hotmail.co.uk

Comments are closed