|

Muddaddii Xisbiga Kulmiye U Qabtay Soo Xeraynta Ergooyinka Shirweynaha Oo Maanta ku Eg iyo Murankii Beelaha Oo Wali Taaga

Hargeysa:15-April-2014(SDN)-Waxa Guud ahaanba Maanta oo Salaasa ah ku eg muddadii uu Xisbiga Talada Somaliland haya ee Kulmiye u qabtay Inay Beelaha iyo Gobolada Somaliland ku soo Gudbiyaan Tirooyinka Ergooyinka Shirweynaha ka qayb qaadanaya.

marre Guddoomiyaha Guddida qaban-qaabada Xisbiga Kulmiye Abuukar Xaamud Jibriil, ayaa Laba Maalmood ka hor sheegay in muddadu la sugayo  soo xeraynta Ergooyinku ay Gabaabsi tahay, waxana farriin ugu diray cid kasta oo ay arrintani khusayso inay soo dhamaystiraan Ergooynikooda ugu dambaynta 15-ka Bishan April oo Maanta ah, isagoo intaas ku daray in laga Tegi doono ciddii intaas ku soo Xerayn Doonta.

Ergooyinka Xisbiga Kulmiye ayaa iyaga uu wali muran badani ka taagan yahay, iyadoo qaabka loo qaybiyey uu muran badan ka dhex dhaliyey Reeraha kala duwan eek u Nool Somaliland.

Tan iyo intii la qaybiyey Ergooyinka waxa soo Baxayey Qaylo-dhaan ka imanaysay Beelo ku nool Somaliland, waxana Beelahaas Qaarkood si toos ah u sheegeen inay qaadaceen shirweynaha xisbiga, isla-markaana ay si toos ah uga baxeen Arrimihii Xisbigaasi lahaa.

Sidoo kale Gobollada Somaliland qaarka mid ah,  ayaa qaylo dhaantaasi ka timi iyadoo Gobolada Saaxil iyo Awdal si weyn looga Muujiyey saluug la xidhiidha saamiga ay ka Heleen Ergooyinka Shirweynaha Xisbiga.

Xukuumadda ayaa iyadu Ayaamahan dambe ku mashquulsan sidii ay Cadaadis u saari lahayd Gobolada saluugga Muujiyey, waxana ay Waftiiyo Hoose u dirtay Goboladdaas wax diiddan, balse wali Wax Natiijo ah oo lagu wada Qanacsan yahay lama Hayo.

Gobolka Saaxil oo kale waxa arrintan darteed Xabsiga loo dhigay Madax sare oo ka Tirsan Xisbiga Kulmiye, kuwaas oo si Toos ah ugu dhawaaqay inaanay Qaadanayn Saamiga Laga Siiyey Ergooyinka Shirweynaha oo u cad-quudheed yahay.

Si kastaba ha Ahaatee shirweynaha Saddexaad ee Xisbgiga Kulmiye, ayaa laf dhuun gashay noqday, waxana wali aan la saadaalin Karin Xilliga rasmiga ah ee uu qabsoomi karo, maadaama murankii iyo Dooddii ka dhex taagnayd ay wali taagan tahay.

 

S.D.N

Contact@qurbejoog.com

Comments are closed