|

“Muddaa ka hadhsan xilliga la ogol yahay in Kaambayn bilaabmana waa la garanayaa, Labada Xisbi Mucaarid waxanu leenahay Hanagu soo noqnoqonina inta Kaambaynku bilaabmayo” Badhasaabka Togdheer

Burco:Nov,13,2014(SDN/QJ)-Badhasaabka Gobolka Togdheer Maxamed Muuse Diiriye, ayaa Ka Hadlay Tallaabooyin is xigxigay oo Xisbiyada Mucaaridka Somaliland Cududoodda ugu soo Bandhigeen Caasimadda Gobolkaas ee Burco iyo Aragtidiisa.

maxamed muuseGuddomiye maxamed muuseGuddoomiye Maxame Muuuse oo u warramay Tv-ga qaranka, ayaa sheegay in  Hannaanka mucaaridku uga ololaynayaan Deegaanada dalka ka hor xilligii rasmiga ahaa ee Ololaha loo asteeyey ay Muujinayso in xukuumaddu tahay mid wax walba ka ogol mucaaridkeeda oo aan cabudhinaynin,

“Maanta halkan waxa yimi Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ka horna waxa laba jeer yimi Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid, wax dhibaato ahina may dhicin, xilligii ay ololaha qaadi lahaayeenna may gaadhin Runtii, Waxana la yidhaahdaa xukuumaddu dadka way cabudhisaa, inaanay Cabudhinna waxa daliil kuugu ah iyadoo aan xeerku oggolayn in Xisbiyo wareega ah oo gaadiid isdaba geliya oo Kaambayn qaada oo magaalooyin Badhtankooda ka qudbadeeya oo dadka wax jira iyo waxaan jirinba u sheeg ayey u ogolaatay iyadoo dalka taladiisa haysa inay taas sameeyaan.”ayuu yidhi Maxamed Muuse Diiriye.

Guddoomiyaha ayaa waxa hadalkiisa ku sheegay inaanu raalli ka ahayn Hadallo hogaanka Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ka shegeen Magaalda Burco oo ahaa in shacabka halkaas deggeni kala qaybsan yihiin, waxana uu tilmaamay inay reer Burco Midaysan yihiin xilligan, waxana uu yidhi,

“Afxumo waxa la yidhi Nabadna way kaa kaxaysaa colaadna waxba kaagama tarto, maanta waxa igu soo duulaysay in xisbiga waddani rag kamid ahi ay yidhaahdeen Burco ma midaysnee waa Midaynaynaa, Burco waa midaysan tahay maalin ay ka wanaagsan tahay ma jirtee idinku hanaga qasina oo hannaga qaybinina.”

Waxa uu u diray farriin xisbiyada Mucaaridka ah farriin uu ku sheegayo inaanu aqbali Karin inay kusoo noqnoqdaan Magaalada Burco, waxana uu yidh,

“Muddaa ka hadhsan Doorashadii xilliga la ogol yahay in Kaambayn bilaabmana waa la garanayaa, Labada Xisbi ee kale waa Noo yimaadeen iyagana xilligooda waa siinaynaa, laakiin waxanu leenahay Hanagu soo noqnoqonina inta Kaambaynku bilaabmayo”

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed