|

Mudaneyaal ka dareeray fadhigii maanta ee golaha Wakiilada oo buuq iyo sawaxan hadheeyay, maxay tahay sababtu?(DHEGEYSO)

Hargeysa 7, August 2012 (SDN)- Ilaa 8 mudane oo ka tirsan aqalka hoose ee Baarlamaanka, ayaa maanta ka dareeray fadhi aan caadi ahayn oo goluhu ku yeeshay xaruntiisa magaalada Hargeysa.

Fadhiga oo ay ka soo xaadireen 53 xubnood oo ka tirsan 82 mudane ee aqalkaasi ka kooban yahay, waxa shirguddoominayay guddoomiyaha golaha Wakiilada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro).

Fadhigu wuxuu ku furmay weji degen, waxaana lagu bilaabay aayado qur’aan ah iyo hadal kooban oo guddoomiye Cirro ka jeediyay oo ku saabsanaa ujeedada fadhiga keentay, ka dibna waxa mudaneyaasha loo akhriyay qoraalka uu Madaxweynuhu 01.8.2012 u soo diray Shirguddoonka iyo golahaas.

Intaa ka dib, waxa loo qaybiyay lifaaqa wax-ka-bedelka xeerka doorashooyinka xeer No.20, ka dib markii ay sidaa dalbadeen Komishanka Doorashooyinka Qaranku.

Hase yeeshee, waxa uu mar qudha sawaxanku oogmay markii guddoomiyuhu ku wargeliyay in qodob-qodob loogu codaynayo afar qodob oo lifaaqu ka hadlayay, taasoo ay mudaneyaal door ahi ka biyo-diideen.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cusmaan Caalin (Cabdiraxmaan-dheere), ayaa soo-jeediyay in mudaneyaashu xaq u leeyihiin inay soo akhriyaan, si ay uga soo baaraan-degaan waxyaabaha lifaaqa ku qoran. Sidoo kale, waxa ku raacay xildhibaan Aaden Xaaji Diiriye Dirir iyo xubno kale oo u guuxay. Laakiin, hadalkaas mudanaha waxa ka jawaab-celiyay mudaneyaal dhawr ah oo ku qayliyay in cod la geliyo, taasina waxay sababtay in ilaa 8 mudane oo uu horkacayo Xildhibaan Cabdiraxmaan-dheere, ayna ku jiraan Ibraahim Axmed Haybe, Muuse Maxamed Ismaaciil, Maxamed Xaaji Maxamuud Cumar Xaaji, Cabdiraxmaan Good iyo xubno kale ka dareeraan fadhiga, markii guddoomiyuhu ku adkaystay in mudaneyaashu u kala codeeyaan inay soo akhristaan lifaaqa iyo in fadhigan maanta lagu ansixiyo.

Waxa xusid mudan, in markii xubnahaasi baxeen ay 37 kale u codeeyeen in fadhiga lagu ansixiyo lifaawa wax-ka-bedelkaas.

Haddaba, halkan ka dhegayso

[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/Wakiilada.MP3″]

Qurbejoog.com, Hargeysa

editor@somalidiasporanews.com

Comments are closed