|

mudane/madaxweyne – Hassan Sheekh Mohamoud – Raysal Wasaare Tayo wanaagsan Xulo

ASCWW

Marka hore waxaan salaamaya dhamaan shacabka Soomaaliyeed ee dawlada cusubi u dhalatay, waxaanan hanbaliyo diiran u dirayaa madaxweynaha cusub ee Somaliya mudane/Xasan Sh. Moxamud, waxaanan Illahay kaga baryayaa in aad noqotid madaxweynihii u horseeda  ummada Somaaliyed nabad iyo horumar.
Inta hadii aan ka gudbo.

Waxaa aynu ognahay in xildhibaanadii la soo doortay si sharaf leh ay  madaxweyne cusub soo doorteen, mudane/madaxweyne Hassan Sh. Mohamoud uu isaguna soo magacaabi doono maalmaha fooda inagu soo haya Raysulwasaare cusub. Hadaba, qof sidee ah ayaa laga filayaa in u noqdo Raysulwasaaraha cusubi. Hadii aan si kooban wax isu dul taago:

1. Waa in u ka yimaado maamulka Puntland oo miisaan weyn ku leh siyaasada Somaliya iyo Roadmapka loo dajiyey.
2. Waa in u noqda Siyaasi ruug cad ah,  xogogaal u ah arrimaha Somaliya 22 sano ee u dambeeyey kuna  soo dhex jiray siyaasada iyo maamuladii kala dambeeyey.
3.Waa in u noqda khabiir hanaanka dawaladnimo waayoarg ku ah.
4. Waa in u noqda nin u dhuul dalool kala qoqobnaanta koonfurta, waxna ka bedeli kara.
5. Waa in noqda nin  la soo shaqeeyey Hay’adaha Caalamka ee ka hawl gala dalka; wax ceeb ah ama turxaan ah aan ku lahayn.
6. Waa in u noqda nin iman wanaagsan leh, daacad u ah dalka iyo dadkaba,  hanti  ku filan haysta oon marnaba hungurayn xoolaha ummada.
7. Waa in noqda nin jawi nabadeed iyo isu soo jeed ka dhex abuura beelaha somaliyeed.
8. waa in u noqda nin dhexdhexaadin kara beelaha khilaaku ka dhex taagan yahay ee Dhulbahante iyo  Majiirteen, Ogaadin iyo Mareexaan.amaba beelaha kale ee somaaliyeed.
9. Waa in u noqda nin sii wadi kara wada hadaladii bilowday ee Somaliland iyo Xukumada cusub oo marnaba wax shaki ah laga qabin oo gacal iyo xigaal la ah shacabka reer Somaliland.

Waad mahadsantihiin.

 

Mohamoud

Comments are closed