Mudane Maxamed Xaaji Yuusuf Waabeeye, ayaa daboolka ka qaaday in madaxweyne Siilaanyo iyo ku-xigeenkiisu noqonayaan murrashaxiinta xisbigooda
Hargaysa 25jan13 (SDN)Guddoomiye-ku-xigeenka 2′aad ee xisbiga kulmiye, ahna mudane ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland Mudane Maxamed Xaaji Yuusuf Waabeeye, ayaa daboolka ka qaaday in madaxweyne Siilaanyo iyo ku-xigeenkiisu noqonayaan murrashaxiinta xisbigooda uga qaybgeli doona doorashada soo socota e madaxtooyadda, isagoo xusay in ilaa hadda xisbiga iyo bulshada reer Somaliland kalsooni weyn ku qabaan hoggaaminta madaxweynaha iyo madaxweyne-ku-xigeenka xilka haya
Sidaasi waxa uu mudane Waabeeyo si kalsooni ku jirto uu daboolka uga qaaday waraysi uu siiyay wargyska Jamhuuriya oo ka mid ah wargys u jan jeedha oo taageera xukumadda Siilaanyo.
Hadalkan uu faafiyay gudoomiye xigeenka labaad ee xisbiga Kulmiye mudane Waabeeyo ayaa ah mid gil gilay qaybo ka mid ah xisbigaasi oo ka cadhaysiiyay garabkaasi boo uu hogaamiye gudoomiyaha xisbigaasi Muuse Biixi Cabdi.
Ilaa hada wax war ahi kama soo bixin xisbiga Kulmiye gaar ahaan garabka Muuse Biixi, hase ahaatee waxa ay wararku sheegayaan in maalmaha soo socda ay garabka Muuse Biixi ka jawaabaan hadalka ka soo yeedhay Xildhibaan Waabeeyo oo joog iyo jiifba u diiday Muuse Biixi iyo kooxdiisa.