Mudane Kasoo Jeeda Gobolka Saaxil Oo Ku Gooddiyey Inay Mooshin Ka Keeni Doonaan Dhaqannada Wasiir Waran-cadde iyo Taliye Fadal Bulshada Ku Hayaan
Berbera:Nov,08,2014(SDN/QJ)-Xildhibaan Maxamed Faarax qabille oo Ka tirsan Mudanayaasha Baarlamaanka somaliland, isla-markaana Gobolka Saaxil laga soo doorto, ayaa ku gooddiyey inuu keeni doono Mooshin ka dhan ah Wasiirka Arrimaha Gudaha, Wasiir-ku-xigeenka Amniga iyo Taliyaha Ciidanka Boliska somalilnad oo dhibaatooyin ka dhan ah Xildhibaano dhawaan ka Fuliyey Berbera.
Xildhibaan Qabille oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Berbera oo uu hawlo shaqo u joogo, ayaa sheegay inay Saddexdaasi Masuul u yeedhi doonaan si wax looga waydiiyo sababta keentay in Mudaneyaal Bulshadu soo dooratay Boolisku garaaco, isla-markaana amarkaasi ahaa mid kasoo Baxay Masuuliyiintan uu mooshinkooda ku Hanjabay.
“Xildhibaanadii laga soo doortay Gobolka Saaxil ee aan Goob-joog ka ahay,Mooshin baanu ugu yeedhi doonaa Wasiirka Daakhiliga,Wasiir xigeenka Amniga iyo Taliyaha Booliska.waana Arin dadweynaha reer Berbera ka dheehan doonaan Golaha wakiilada Kalfadhiga ugu horeeya ee Golaha Wakiilada oo ku beegan bishan 8-deeda” ayuu yidhi Xildhibaan Qabile.
Todobaadkii la soo dhaafay,ayaa Askar la socday Wasiirka Arimaha gudaha Cali Maxamed Warancadde, oo Berbera u tagay Hawlo shaqo ay dagaal gacan ka hadal ah kula kaceen Dhawr Xildhibaan,iyadoo Muuqaalada laga duubay muujinayeen Mudaneyaasha oo la garaacayo.
Arrintaas lagu garaacay Xildhibaanada Reer Berbera, ayaa waxa laga daalacday Warbaahinta kala duwan ee Dalka, waxana si weyn uga cadhooday Bulshada Reer Somaliland, gaar ahaan kuwa reer Saaxil, waxana masuuliyadeedda Dusha Laga Saaray Wasiirka arrimaha Gudaha oo isagu markaas watay Ciidanka Xildhibaanada Garaacay.
SDN/QJ