|

Mudane Ka Tirsan Wakiillada Somaliland Oo Sheegay In Wasiirka Ciyaaruhu Ka Hor Istaagay Tartan Kubadda Cagta ah Oo Uu Ka Qaban Lahaa Gabiley

Hargeysa:Nov,23,2014(SDN/QJ)-Mid kamid ah Mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa ku dhawaaqay in Wasiirka Ciyaaraha uu ka hor istaagay Koob kubadda cagta ah oo uu ka hirgelin lahaa Magaalada Gabiley oo uu kasoo jeedo.

xasan cawXildhibaan Xasan Cawaale Caynaan oo ka tirsan Xisbiga Kulmiye, ayaa waxa uu sheegay in wasiirka ciyaaruhu uu si cad ugu diiday inuu Koobkaan qabto, waxana u tilmaamay inuu doonayey inuu ku xuso Abwaan Cabdilaahi Suldaan Timocadde.

Xildhibaanka oo Warbaahinta la hadlay ayaa dhalinyarada isku diyaarinaysay Koobkaasi ku wargaliya in Koobka la diiday “Waxaan halkan ka sheegayaa, uguna bayaaminayaa dhalin yaradii aan ugu balanqaaday, inaan qabanayo Koobkii aan ugu magac daray Marxuumkii halyayga ahaa Ee Abwaan Timacadde” ayuu yidhi Xildhibaanku.

Xildhibaanku waxa uu sheegay inuu hore ugu qaban jiray Koobkan Degmada Gabiley “Koobkan sanad walba waan qaban jiray oo Gabiley ayaan ku qaban jiray, waxaana ka soo qayb gali jiray Ciyaartoy fara badan.Ciyaartoyga aan doorkan ugu tala galay inay ka soo qayb galaan waxay ahaayeen Boorama laba kooxood ayaa ka imanayay, Hargyesa laba Kooxood ayaa ka tagayay, Berbera-na laba Kooxood, waxaanan doonayay inay dhalinyaradaasi isku bartaan koobkaas aan ugu magac daray Suldaan Timocadde, abwaankaas caanka ah” ayuu yidhi Xildhibaan Xasan Cawaale.

Xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan waxa uu sheegay inaanu garanayn sababta loo diiday Koobka “haddaba arin khatar ah oo aanan filayn baa dhacday oo Wasaaradda Ciyaaraha ayaa si cad iigu tidhi ma qabanaysid Koobkaas,, mana garanayo ujeedada laga leeyahay ee Wasiirka Ciyaaruhu iigu yidhi ma qaban kartid,ma Gabiley buu neceb yahay, ma Dhalnyarada ayuu neceb yahay, ma Abwaan Tima-cadde iyo Gabayadiisii ahaa dugsi ma leh qabyaaladi waxay dumiso mooyaane ayuu neceb yahay..wasiirkaasi sababta uu u diiday koobkaan dhigayay ma garanayo”ayuu hadalkiis kusoo afjaray Xildhibaanku.

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed