Mudane ka Tirsan Golaha Deegaanka Hargaysa oo Goob Wado ah Dhisanayay iyo fal Celintii Shacabka SAWIRO
Hargaysa 29.Aug 2014 (SDN/QJ)- Xildhibaan ka tirsan golaha deegaanka ee caasimadda Hargeysa,ayaa ku kacay habeen madaw in uu dhul boob sameeyo isla markaana meel waddo ah oo ka tirsan xaafada Shacabka ka dhisto guri kaasoo markii waagu beryay saaka loogu soo toosay isagoo wadada guri lagu jaray oo dhismiiiisu socdo.
Xildhibaan Hanad Xaashi oo katirsan xildhibaanada golaha deegaanka Hargeysa ayaa meel wado ah oo ku taala xaafada shacabka ka bilaabay dhisme guri.
Dadka xaafada ayaa shalay aroortii kusoo toosay wadadii oo sees cusub laga dhisayo, kuwaasoo shaqaalihii dhismaha ee goobta joogay kala eryay.
Xildhibaan Hanad Xaashi ayaa habeenkii ka horeeyay saqdii dhere kusoo rogay lawdhadh dhagxaan iyo jaajuur ah, kaasoo damacsanaa in uu habeen madaw ka gaadhsiiyo dhismaha wadadan uu doonayay in uu dhisto.
Sida dadka xaafada ku dhaqani warbaahinta qaar u xaqiijiyeen, waxa markii hore meesha wadada ah oo ku taala xaafada shacabka, gaar ahaan agagaarka xafiiska Akaadaamiga Hormarinta Af Somali-ga ee Gaariye ama agagaarka guriga uu wasiirka maaliyada Somaliland dagan yahay, waxay dawladda hoose u soo dirtay cagaf. Taas oo dadka xaafadu sheegeen in ay xataa qasabaddii biyaha ka jartay cagaftaasi markay banaynaysay meeshaas.
Xildhibaan Hanad Xaashi oo codka ugu badan ka heley degmadan Kood-buur ayaa kamid ahaa xildhibaanadii ugu codka badnaa golaha deegaanka Hargeysa,isla markaana laga filayay I uu deegaanka wax ku so kordhiyo oo uu ka shaqeeyo danta guud laakiin maanta ayay isku soo baxsadeen Xildhinaab hanad Xaashi iyo dadka uu codkooda xasaanaada ku helay markii uu wadadii ay marayeen uu go,aansaday in uu dhisto
Hargaysa SDN/QJ
contact@qurbejoog.com