Mudanayaashii Baarlamanka Somalia ee ka Soo Jeeday Deegaanada Punt land oo ka Hadlay Siday u Arkaan Qodobadii ka soo baxay Wada hadaladii iyaga iyo Madaxda Punt land
Garowe 20.Aug 2014 (SDN/QJ)- Xildhibaanno ka tirsan dowladda faderaalka oo magaalada Garoowe muddooyinkan joogay ayaa shirkii wadatashiga ee soo dhammaaday waxaa ay ku sheegay inuu ahaa mid muhiimad u leh Puntland.
Xildhibaannadan waxaa ay caddeyn inay soo dhaweynayan go’aanadii maanta kasoo baxay wadatashigoodii ayna u arkan qodobbadii ka soo baxay inay yihiin kuwo si sax ah loo abaaray.
Xildhibaan,Yaasiin Cabdi Seed oo ka tirsan baarlamanka federaalka ah ee Soomaaliya kana mid ah xubnaha dib ugu soo noqday Puntland ee ka qayb-galay wada-tashigii socday ayaa dhankiisa sheegay in guul laga gaaray wada-hadalkii u socday xildhibaan federaalka ku jira ee reer Puntland iyo madaxda sare ee maamulka Puntland.
“Waa caadi in beesha caalamku goob joog ahaato, macnuhu waa markhaati wax kale maaha.” Ayuu yiri Xildhibaan Seed oo ka hadlayey soo jeedinta Puntland ee ah in wada-hadalka federaalka Puntland ay beesha caalamku goob-joog ka noqoto.
Waxaa kalo ay sheegen xildhibaannada iyagoo la hadlayey warbaahinta gudaha inay rajo weyn ka qabaan dhaqan-galida afarta qodob ee soo baxay iyo in ay ku soo idlaadaan sida ay u yaalan.
Garowe SDN/QJ
contact@qurbejoog.com