|

Mudanayaasha Guurtida oo dood ka yeeshay xaalada dalka

Hargeysa, 19, June 2012 (Qurbejoog)- Golaha guurtida Somaliland ayaa maanta dood ka yeeshay xaaladaha ka taagan guud ahaan dalka.

Fadhigan  maanta ee golaha guurtida Somaliland oo uu shir gudoominayey gudoomiye ku  xigeenka labaad ee golaha wakiilada Siciid Cilmi Jaamac waxaanay mudanayaashu dood ka yeesheen xaaladaha haatan ka taagan dalka sida qaylo dhaanta abaareed ee ka soo yeedhaysa  gobolada galbeedka Somaliland iyo xaalada nabadgalyo ee gobolada bariga.

Mudanayaashii ka qayb qaatay doodii ay maanta golaha guurtidu ka yeesheen xaalada haatan ka taagan dalka ee dhinaca abaarta iyo dhinaca amniga ayaa si soo jeediyey in gargaar deg deg ah lala gaadho dadka ku tabaalaysan gobolada galbeedka  Somaliland kuwaas oo sheegay inay ku habsatay abaar aad u daran iyaga oo dhinaca kalana sheegay in loo baahan yahay in nabad lagu soo dabaalo xaalada gobolada bari.

Sidoo kale mudanayaasha golaha guurtida Somaliland waxay dood ka yeesheen siyaasada arimaha gudaha iyo arimaha debada ee dalka kuwaas oo sheegay in haatan dalku marayo marxalad wanaagsan waxaanay soo jeediyeen in indhaha lagu hayo wada hadalka Somaliland la leedahay dalka Somaliya.

Qurbejoog, Hargeisa

Comments are closed