Mudanayaasha Golaha Guurtida oo loo Qaybiyay Wax ka bedelka Xeerka Qareenada iyo Wasiirka Arrimaha Dibada oo hortagaya Guurtida
Hargaysa 20.May (SDN) Fadhigii maanta ee Golaha Guurtida Jamhuriyadda Somaliland oo uu shir- Guddoominayey Gudoomiyaha Golahaasi Mud, Saleebaan Maxamuud aadan, ayaa mudanayaasha waxa loo qaybiyey Wax-ka-bedelka iyo kaabista Xeerka Qareenada ee Xeer Lam,30/2004.si ay uga soo baaraan degaan mudanayaashu ka hor inta aanu Goluhu guda gelin meelmarintiisa.
Wax-ka-bedelka iyo Kaabista Xeerka Qareenada Lambar 30/2004 waxa Golaha Guurtida hore ugu soo Gudbiyey Golaha wakiiladda oo iyagu soo ansixiyey kaabista iyo wax ka-bedelka Xeerkaas.
Qodobada kaabista lagu sameeyey ee xeerkan waxa ka Mid ah:
– Qodobada 2aad faqradiisa 2aad,6aad faqradiisa 1aad xubinta”F”
– Qodobka 14aad faqradiisa 1aad iyo Qodobada 15aad,16aad,17aad Iyo 23aad .
Gudoomiyaha Golaha Guurtida Mud.Saleebaan Maxamuud aadan ayaa Qaybinta Nuqulkaa Xeerka Qareenada ka dib waxa uu mudanayaasha ku wargeliyey in maalinta Sabtida ah uu Golaha hor iman doono Wasiirka wasaarada Arimaha dibadda Dr,Maxamed C/llahi Cumar oo imaatinkiisa goluhu ka mid ahaa ajandaha qodobada Kalfadhigooda 50aad.Isagoo mudanayaasha ka dalbaday inay soo Naaqishaan Qodobada Xeerkan qareenada Somaliland.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com