Mudanayaal Taageeray Hadalkii Caalamku Kaga Falceliyey Laaluush Qaadashada Baarlamaanka Somalia
Muqdisho:Nov,05,2014(SDN/QJ)-Tiro badan oo ka tirsan Barlamaanka Somalia, ayaa ka marag kacay hadalladii Beesha caalamku kaga digtay inay Mudanayaashu Lacago lasiiyo meesha kaga saaraan Xukuumadda jirta, waxana ay carrabka ku dhufteen inuu Mooshinkaasi soo guuxayo.
Mudanayaashan oo tiradoodu gaadhayso ilaa iyo130-Mudane, ayaa caalamka ugu baaqay inay u baahan yihiin farogelin ka dhan ah Dhaqdhaqaaqa Madaxweynaha iyo Kooxdiisu ku doonayaan in Ra’isal wasaaraha lagaga Takhaluso.
“Khilaafku ma aha wax weyn, wuxuuna ka dhashay isku shaandheynta Ra’iisal Wasaaraha oo Wasiiro la kala bedelay, mana aha arrintaasi mid xukuumadda oo dhan lagu ridayo” ayuu yidhi Xildhibaan Maxamed Cabdi Abtidoon oo ka mid ahaa Mudanayaasha kulanka ku yeeshay magaalada Muqdisho.
Xildhibaankaan oo u waramayay idaacadda BBC-da ayaa sheegay in arrin weyn oo la isku khilaafo aanay meesha oolin, wuxuuna hoosta ka xariiqay inuu jiro warka beesha caalamka ee sheegaya in xildhibaano lagu laaluushayo si ay u diyaariyaan mooshin lagu ridayo Ra’iisal Wasaare C/Weli Sheekh, taasi oo uu tilmaamay inay si weyn uga socoto xarunta Golaha Baarlamaanka iyo Madaxtooyada.
Waxa uu sheegay Xildhibaan Abtidoon in mooshinkaasi aanu ka imanin Golaha Baarlamaanka dhexdiisa, balse laga abaabulayo madaxtooyada, sidaas darteedna guddoonka Golaha Baarlamaanka ay kala hadlayaan in mooshinkaasi aan la keenin Golaha, wuxuuna beesha caalamka ka raalli geliyay aflagaado ay u geysteen xildhibaano amarka madaxtooyada u dabran oo aan wax dan ah ka lahayn masiirka dadka iyo dalka.
“Beesha caalamka lug ayay ku leedahay arrimaha Soomaaliya, waxay ka taageeraan dhinacyada ammaanka, horumarka, nabadgelyada iyo taageerada bani’aadaminimo, kana haboona in la dacaayadeeyo” ayuu yidhi Xildhibaan Abtidoon oo sheegay in mushkiladda taagani ay tahay oo kaliya kala bedelka wasiirada.
Hadalka Xildhibaankan ayaa ku soo beegmaya xilli shalay iyana magaalada Muqdisho kulan ku yeeshay ay cambaareyn ugu jeediyeen ergeyga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Nicholas Kay oo ay ku tilmaameen inuu faragelin ku hayo arrimaha Soomaaliya, iyagoona dalbaday in dalka uu uga baxo 24-saac gudahood ah.
SDN/QJ