|

Mudanayaal Baarlamanka ka Tirsan oo dalbaday in Wasiirka Duulista Xasaanada lagala Noqdo iyagoo ku sababeeyay Lacago Xad dhaaf ah oo Sharci la’aan uu Madaarada kaga qaado

Hargaysa 19.Aug 2014 (SDN/QJ)- Xildhibaanno ka tirsan golaha wakiiladda Somaliland,ayaa sharci darro ku tilmaamay laagaha laga qaado dadka ka soo degaya madaarada dalka ama ka dhoofaya ee dalka imanaya ama ka dhofaya ee reer Somaliland.

074e673f8b11d9dc177356d9c3e2ecd1_L-300x129Xildhibaan Bashiir Tukaale iyo Xildhibaan Ibraahin Jaamac Rayte, oo warbaahinta  kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa sheegay in ay sharci darro tahay  lacago ay sheegeen in ay xad dhaaf tahay oo lagu qaado madaarada dalka isla markaana ay tilmaameen in ay sababbi karto in dalka ay ku soo dhiiran waayaan oo ay iman waayaan dadka reer Somaliland ee qurba jooga ah.

“Horta waxaan Golaha wakiilada la marin oo umadda laga qaadi karaa ma jiraan oo waa Xaaraan. Waxa wax lala yaabo ah Farriimo ayaa dadka loo soo dirayay la leeyahay  Lacagtaas ayaa la qaadayaa oo intaas ah, ma isagaa Sharciga Samaysta Ninku(Wasiirka Duulista), Waxani waa jeebkiisa Umaddana waxaanu u sheegaynaa 10 Dolar ayuu goluhu ansixiyay, wixii kale waa sharci daro, waa jeebkiisa, waxay qayb ka tahay  Lunsiga hantida umadda ee la wado.markaa waxaanu leenahay umadda iska jira jeebkiinana gacanta ha galinina arintaasi waa xaaraane”Ayuu yidhi Xildhibaan Bashiir Tukaale

Waxa uu intaasi raaciyay Xildhibaan Tukaale “Waxaanu imika soo jeedinaynaa sidii Goluhu kalsoonida ugala noqon lahaa Madaxweynuhu ama xilka ha ka qaado ama yaanu ka qaadine”

Xildhibaan Ray too isna arintan ka hadlay ayaa sheegay inay dhibaato ku tahay dadka u soo boholyoobay dalkooda ee qurbaha ka imanaya lacagta laga qaadayo ee xaddigeedu badan yahay “Marka u horaysa ma aha xeer ka soo baxay Golaha, mana filayo in Goluhu wax ka ogyahay.wixii Cashuur ah ee aanu Goluhu waajibina waa Xaaraan in la qaado,dastuurka iyo xeerkayna ku taalaa” ayuu yidhi Xildhibaan Rayte.

Xildhibaanka oo ka hadlaya Aragtiisa ku aadan Cashuurtan ayaa yidhi “ Marka laga yimaado Sharciga arin aan wanaagsanayn ayaanu u aragnaa. Waxaanu u aragnaa arin culays ku ah dadka qurbejooga ah ee Dalkooda imanaya iyo Caruurta dalkoodii iyo dadkoodii la soo barayo, ee waalidku tigidhada siday ku helaan Illaahay Ogyahay in haddana Madaarka lagu furto oo lacagta intaas leeg la waydiiyo, waxaanu aragnaa arin aan maangal ahayn oo aan macquul ahayn” Ayuu yidhi Rayte.

Ugu dambayn waxaa uu sheegay xildhibaan Rayte in ay daba gal ku samayn doonaan lacagaha madaarada lagu qaado oo uu  ku tilmaamay hanta uruursi aan sharciyadda meelna ka soo galin kuna dhicin qasnadda dawladda.

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

 

Comments are closed