|

Mudaharaadyo lagu diidan yahay Xadhiga M.Weynihii hore ee Ximin iyo Xeeb iyo Hogaamiyihii Budhcad badeeda oo ka dhacay Cadaado

Cadaado 15.October 2013 (SDN)- Banaan-bax looga soo horjeedo xarigga ay dowladda Belgium u geysatay madaxweynihii hor ee maamulka Ximin iyo Xeeb Maxamed Cabdullaahi Aadan (Tiiceey) iyo hoggaamiyihii hore ee burcad badeedda Soomaalida Maxamed Cabdi Xasan (Afweyne)  ayaa maanta ka dhacay magaalada Cadaado ee xarunta maamulkaas.

BanaabaxDibad-baxa oo ay soo qaban-qaabiyeen ururrada bulshada rayidka ee ayaa waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Ximin iyo Xeeb iyo boqolaal dadweyne oo muujiyay sida ay uga xun yihiin xarigga lagula kacay raggaas.

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Ximin iyo Xeeb Cabdi Maxamed Suldaan Axmed Nuur oo la hadlay dadkii isku soo baxay ayaa sheegay in ay ka xun yihiin xarigga Tiiceey iyo Afweyne, wuxuuna ku baaqay in si deg deg labadaba loo siidaayo.

Suldaan Axmed Nuur ayaa ka codsaday dowladda federaalka ee Soomaaliya in ay qaaddo tallaabo la xiriirta ilaalinta xaquuqda muwaadhiniinteed, isla markaana ay soo farageliso xariggan.

Maxamed Cabdullaahi Aadan (Tiicey), madaxweynihii hore ee Ximin iyo Xeeb ayaa la sheegayaa in lala xiray Afweyne kaddib markii ay ka soo degeen Sabtidii garoonka diyaaradaha Brussels.

Laba oga sababta loo xiray Tiicey, hase yeeshee Maxamed Cabdi Xasan ayey dowladda Belgium ku eedeysay in uu afduubtay markab dalkaas laga lahaa sannadkii 2009.

Cadaado SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed