Mudaharaadyo Lagaga Soo Horjeedo Surmiga Biyo La’aanta oo ka socda degmadda Maxamuud Haybe ee Caasimadda Hargeysa
Hargaysa 28.Dec 2013 (SDN)- Mudaharaadyo lagaga soo horjeedo biyo ;a’aan soo food saartay degmooyinka Maxamuud Haybe, Axmed Dhagax iyo Gacan-libaax ayaa ka socda degmadda Maxamuud Haybe ee Caasimadda Hargeya , waxaana kala xidhan jidka Total, mana jiro wax gaadiid ah oo u gudbaya dhinaca Calaamadaha iyo Sayladda midna.
Dadka Mudaharaadaya ayaa walaac ka muujiyay biyo la’aan soo food saartay ka dib shaqo joojinta ay sameeyeen Booyadihii biyaha u dhaamin jiray qeybo badan oo ka mid ah caasimadda oo aan iyagu maalintii saddexaad oo xidhiidh ah aan shaqayn ka dib markii ay ka cowdeen cashuur xad dhaaf ah lagu soo rogay, ayay sheegeen inaanay aqbalaynin inay sii shaqeeyaan maadaama oo culays ay ku tahay cashuurta dawladda dhexe ku soo rogtay.
Mudaharaadeyaasha ayaa ku dhawaaqayay hal ku dhigyo ay kaga soo horjeedaan biyo la’aanta saamaysay Caqli xumadda xukuumadda waanu ku ogayn ee indho la’aan ayay ku darsatay maanta”,
“Booyadaha waxa cashuurta loogu qaaliyeeyay, waxa la doonayaa in la go’doomiyo dadweynaha ku dhaqan degmooyinka Maxamuud Haybe, Axmed dhagax iyo Gacan-libaax,” iyo ereyo kale oo macno ahaan la mid kuwaasi.
Ciidanka Booliska ayaa rasaas nool ku ridayay dadweynaha mudaharaadayay, Taliyaha Hoggaanka Hawl-gelinta Ciidanka Booliska Gaashaanle dhexe Maxamed Ducaale oo tagay goobaha mudaharaadku ka socdo ayaa amar ku bixiyay in la xidh-xidho qaar ka mid ah dhalinyaradda banaan-baxyadda biyo doonka ah dhigayay. Weriye ku sugnaa degmada Maxamuud Hayebe ayaa shabakadda Gudgudenews u xaqiijiyay inuu arkay tobaneeye dhalinyaro ah oo la saaray baabuurka shabaglaha ah ee ciidanka booliska isla markaana loo qaaday dhibaca saldhiga dhexe ee Hargeysa.
Ilaa imika ma jiro wax khasaare ah oo ka dhashay rasaasta nool ee ciidanka Boolisku ku ridayay dibad baxayeyaasha ka soo horjeeda surmiga biyo la’aanta.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com