Mudaharaad ka dhacay Tog-wajaale iyo khasaaraha ka dhashay
Togwajaale May 01,2014(SDN/QJ)- Wararka haatana naga soo gaadhaya Magaalada Tog-wajaale ee Xuduuda u dhaxaysa Somaliland iyo Ethopia,ayaa shaagaya in Magaaladda uu ka dhacay Muharaad Rabshado wata oo sahayda hal qof oo ka mid ahaa Macalimiinta Magaaladda,oo sida wararka hordhaca ah ee aanu helaynaa sheegayaan ay ku dhacday Xab habaw ah oo ay Ciidamadda Amaanku u adeegsanayeen Dadka banana baxa samynaya.waxaana jira dhaawac intaas ka badan oo soo gaadhay dadkii isku soo baxay.
Ilaa hadda si rasmi ah looma sababta ka danbaysay Banaan baxan oo mudooyinkii ugu danbeeyay ku soo noqnoqnayay Magaaladda oo ah Magaalo Ganacsi.
Laakiin sida ay Sheegayaan warar lagu kalsoonaan karo oo ay helayso Shabakkada Qurbejoog.com,banana baxa ayaa ay daku kaga cabanyaa Gudoomiyii Hore ee Deggmada oo Mudooyinkii ugu danbeeyay Xabsiga ku jiray.
Saraakiil u hadashay Maamulka Deggmadda ayaa Xadhiga Masuulkan ku Macneeyay inay tahay Arimo Dhul oo loo haysto Masuulkan Xidhan.W
Wixii warar ka soo kordha arintan halkan ayaanu idiinku soo sheegi doonaa.
.
.
SDNQJ-Tog-wajaale