Mudahaaradadii lagaga soo Hor Jeeday Qaabkii ay Xukuumadu u faro gelisay Golaha Wakiilada iyo Dareenka Shacabka Magaalooyinka Burco iyo Ceerigaabo DAAWO
Hargaysa 16,Nov 2014 (SDN/QJ)- Allaah ha u naxariistee Ruux Dumar ah, ayaa ku geeriyootay, shan kalena way ku dhaawacmeen Muddaharaad xooggan oo gelinkii hore ee shalay gilgilay magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer ee Somaliland.
Muddaharaadka ayaa dadweynaha ku dhaqan magaalada Burce ee sameeyey waxay kaga soo horjeedeen Mooshin ay Xildhibaannada Muxaafidka ah ee Xukuumadda taageeraa doonayeen inay saaka xilka kaga qaadaan Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), inkasta oo dib loo dhigay fadhigii ay rabeen inay maanta xilka kaga qaadaan, ka dib markii Golaha Guurtidu ka dalbaday Muxaafidka inay dib u dhigaan muddo laba cisho ah furitaanka fadhiga.
Guddoomiyaha gobolka Togdheer Maxamed Muuse Diirye, ayaa xaqiijiyey in Rasaas ay Ciidammada Ammaanku doonayeen inay ku kala kaxeeyaan dadweynaha muddaharaadka waday inay ku dhacday Gabadh oo ay geeriyootay, isla markaana ay dhawr qof oo kale ku dhaawacmeen. Hase-yeeshee, goob-joogayaal ayaa Aftahannews u sheegay in shan qof oo kale ay tahay tirada dadka ku dhaawacmay Rasaastaas ay Booliska Burco u adeegsadeen Muddaharaadayaasha.
Geesta Kalena Magaalada Ceerigaabo ayaa Mudaharaad kan oo Kale ahi Shalay ka dhacay Kaas oo lagu diidanaa qaabka ay Xukuumadu u farogelisay Golaha Wakiilada Iyo Maamuus ka Xayuubin lagu sameeyo Gudoomiyaha Golaha Wakiilada