|

Mucjisooyin uu la Kulmay Ninkii Kooxda Daacish u Xilsaartay Duminta Qabrigii Nebi Yoonis “CS” Iyo Masalooyin ka Yaabiyay oo uu Soo Bandhigay

Mosel 15.July 2014 (SDN/QJ)- Maalintii arbacadii todobaadkii hore ee aynu ka soo gudubnay, waxa kooxda Daish (ISIS), dalka Ciraaq ay burburiyeen, qabrigii Nabiyullaahi Yuunis (CS), Ee magaalada Mosel, talaabadaas oo dunidu si wayn u canbaaraysay, gaar ahaan culimada diinta Islaamka iyo hogaamiyayaasha diimaha Yuhuuda iyo Kiristaanka.

Capture Ka hor intii aanay kooxdaasi cagaf cagafyada galin qabriga waxa ay hawl gal lagu qodayo oo ay kaga saarayaan, Maydka Nabiga ka bilaabeen gudaha qabriga, halkaas oo lagu qoday xabaasha uu ku jiray jidhkii nabigaas ka midka ahaa anbiyadii Alle (SW) u soo diray dunida.

Ninkii burburinta qabrigaas ay kooxdu u xilsaartay oo aan magaciisa sheegin sababo jira awgeed, ayaa laga soo wariyay sheeko uu kaga waramay, mucjisooyin layaab leh oo uu arkay oo naftiisa ku abuuray argagax, ilaa heer gaadhay inuu danbiile isku aamino, una haysto in hawl galkaas uu fuliyay ahaa mid xun oo naftiisana la tusay xad gudubka uu galay.

Sawir-1024x532Wargeyska Daily Mail ee dalka Ingiriiska ka soo baxa oo soo daabacay warbixin ninkaas laga helay, ayaa sheegay in ninkaasi diiday inuu warbaahinta u waramo, laakiin uu wixii dhacay oo dhan uga waramay xubno ka mid ah kooxda Daish (ISIS) iyo dad qaraabadiisa ah.

Ninkan ayaa sheegay in markii uu qabriga daboolka ka qaaday uu dareemay caraf aad u udgoon, ka dibna ay markiiba isaga iyo xubnihii kale ee caawinayay ay iska rogeen masaradii ay afka ku soo duubteen, waxa uu xusay in markii ay hore u sii socdeen ay u tageen, Jidhkii Nabi Yuunis oo dhamaantii taam ah, lana moodo in daqiiqado ka hor uun la aasay.

Waxa ku abuurmay cabsi sababtay in ay ka caraaran goobta, sababtoo ah? Waxa aad u dhalaalayay indhaha oo sida uu ninkani sheegay aad moodaysay in iftiin ka soo baxayo sida nalalka oo kale u eg.

Kooxo hubaysan oo ka mid ah Daish, oo ku sugnaa goobta ayaa soo dhex galay, laakiin iyaga laftooda ayaa argagax ku dhacay ka dib markii ay arkeen sida xaalku yahay, laakiin dhamaantood waxa ay ku socdeen amar ka xoog wayn oo awood umay lahayn inay ka hor iman karaan, amarka lagu siiyay inay dumiyaan qabriga.

Markii ay gudaha qabriga ka soo saareen Jidhkii Nabiga ayaa la iska waayay qof kafankii cusbaa ee loo keenay ku xidhi kara, sababtoo ah? Waxa dhamaan xubnihii hawl galkaas loo xilsaaray ku dhacay, warwer badan oo niyad jabiyay inay sii wadi karaan shaqada, qof walba dhiniciisa ayuu u galay muudh iyo inuu gaar isku waydiiyo? Xad gudubka ay galeen ciqaabta ka soo gaadhi karta ama ay mudan doonaan aakhiro.

Ninkan oo ahaa farsamo yaqaan muddo dheer ka shaqayn jiray duminta guryaha dib u dhiska lagu samaynayo iyo meelaha aataarta ah ee la qodayo, ayaa sheegay in isagu uu halkaas ka tagay, sababtoo ah dhamaan hawsha u taalay waxay ku ekayd inuu xabaasha jabiyo oo daboolka uun ka qaado, mana garanayo wixii ka dambeeyay, sidii ay wax u dhaceen.

Sidoo kale waxaan jirin ilaa wali cid ka sheekayn karaysa sida ay kooxda Daish ka yeeshay maydkii iyo halka ay dib ugu aaseen, laakiin waxa ay ilo u dhow dhow kooxdaasi tibaaxayaan in xubnaha ugu sareeya ururkaasi inta ay ku tukadeen ay dib ugu aaseen meel aan la garanayn.

Kooxaha islaamiyiinta ah ayaa nidar ku maray in ay dumin doonaan, dhamaan xabaalaha ay ku tilmaameen in la caabudo ama laga barakaysto, iyagoo mar kasta oo ay qabri dumiyaan, ka saara maydka ku aasan meel aan la ogayna ku aasa.

Waxa Turjumay weriye Faysal Maxamed Xasan

Mosel SDN/QJ

 

Comments are closed