|

Mucjisada hababka Maandooriyaha looga talaabiyo Xadka Mexico la wadaagto Mareykanka

Mexico Mar 01,2013(SDN)-Ganacsatada Maandooriyeyaasha kala duwan ayaa isku daya habab mucjiso ah oo kolba ay Mareykanka ku geliyaan Maandooriyeyyasha.

Qolada Maandooriyaha u iib geeya dalka Mareykanka ee ka soo geliya Mexico ayaa hore isugu dayay in ay hogag ka qodaan xadka si ay u talaabiyaab Drugska,halka ay gawaari,Doonyo iyo dadba u isticmaaleen.


Iminkase waxa ay qolada ka ganacsata maandooriyeyaasha la shir yimaadeen hab cusub oo ka fejiciyay ilaalada xadka dheer ee Mareykanku la wadaago Mexico.

Drugska ayaa laga ridaa gantaal ku rida carada Mareykanka si markaa ay ganacsatadu u qaadato kolka gabalku dumo.

Sidaanawaxa iyaga oo fejac ka muuqdo saxaafada u sheegay qaar ka mida ilaalada xadka.

Ciidamada amaanka ee Mexico ayaa dhawaan gacanta ku dhigay mid ka mida gantaaladan oo yiilay xadka California la wadaatgo Mexicali.

“Waxaan ka mid ahaa ilaalada xadka mudo 20 sanadoda 5tii ilaa 10kii sanadood ee u danbeeyay ganacsatada Maandooriyeyaashu waxa ay la imanayeen fikrado la yaab leh”sidaa waxa yiri Andy Adame.

Ciidamada Ilaalada Xadka Mareykanku Mexico la wadaago ayaa in dhawaalaba xadka ka gurayay qasaacado maandooriye ku jiro,waxa ay garan la’aayeen cida halkaa uga tagatay.

“Waxaanu moodeynay in Drugsku ka soo qubteen samada”ayuu mar kale yiri Andy Adame.

SDN-Mexico
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed