Mucaaridka Syria oo laga Saaray Magaalo Muhiima iyo reer Galbeedka oo Afka Labadii yeeray
Quseyr June 06,2013(SDN)-Ciidamada dawlada dalka Syriaa ayaa gebi ahaanba gacanta ku dhigay magaalada Muhiimka ah ee Quseyr oo mudaba ku jirtay gacnata kooxaha reer galbeedku taageeraan ee Kacdoonka wada.
Afhayeenka Aqalka Cad Jay Carney ayaa saxaafada u sheegay in ciidamada dawlada Syria ayida ay muuqatay in ay gacan uga baahedeen taageerayaashooda Sharka ee Xisbulah iyo Iran.
Faransiiska ayaa dhankiisa sheegay in haatan ay jiraan cadeymo dheeri ah oo muujinayaa isticmaalka hubka Sunta ah.
“Cadeymaha isticmaalka Suntu waxa ay ku khasbeysaa in caalamku tilaabo ka qaado Syria”.sidaa waxa yiri Madaxweynaha Faransiiska Francois Hollande.
Madaxweynuhu waxa uu intaa raaciyay in tilaaba walba oo la qaadayaahi la waafijiyo Shuruucda Caalamka.
Hadalada reer Galbeedka ayaa imanaya Saacado ka dib kolkii ciidamada Syria ay gacanta ku dhigeen guud ahaan Quseyr.
Dhinacyadii ku dagaalamayay magaaladaasi ayaa dagaal isku horfadhiyay mudo ka badan sadex Todobaad.
Dagaalka Syria ayaa waxa ay Qaramada Midoobey sheegtay in ay ku dhinteen dad ka badan 80 kun oo ruux.
Halka ay colada dalkaasi ka socotay mudada labada sano socotay ay ku baro kaceen in ka badan 1.5 million oo ruux.
SDN-Quseyr
contact@somalidiasporanews.com