|

Mucaaridka Sudanta Konfureed oo gacanta ku dhigay degaano shidaaldka dalkaasi iyo Obama oo tilaabo ciidan ku goodiyay

Juba Dec 23,2013(SDN)-Ciidamada u daacada ah madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Suudaanta koonfureed ayaa gacanta ku dhigay degaaka Unity State oo ah gobolka ugu shidaalka badan dalkaasi.

Ciidamadan u daacada ah Reik Macher ayaa haatan gebi ahaanba gacanta ku haya caasimada gobolkaasi ee Bentui,sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan dawlada madaxweyne Sava Kiir.

Dalka Suudanta Koonfureed ayaa gebi ahaanba dekhliga soogalaa uu u ga soo xaroodaa iibgeynta shidaalka ay soo saaraan.

Shan bilood oo sanadkan oo qura ah ayaa waxa shidaalka uga soo xaarooday aduun dhan 1.3 billion oo dollar.

Geesta kalena madaxweynaha dalka Mareykanka Barack Obama oo tamashle u jooga magaalada Hawaii ayaa sheegay in ay dhici kareyso in uu qaado tilaabooyin ciidan oo dheeri ah si loo sugo amaanka shicibkooda dalkaasi ku sugan.

Madaxweyne Obaama ayaa maalmo ka hor dalka Suudanta Koonfureed u diray 46 askeri oo suga amaanka safaarada Mareykanka ee Juba.

“Waxaa dhici kareysa in aan ciidamo dheeri ah u diro Juba si loo sugo amniga muwaadiniinta Mareykanka,hantida iyo shaqaalaha Safaaradeena Juba”ayuu Obama ku yiri qoraal uu u gudbiyay aqalka Congress-ka ee dalkaasi.

Besha caalamka ayaa dalka Koonfurta Suudaan u dirar baaqyo isa soo taraya oo masuuliyiinta dalkaasi loogu baaqayo in ay isdaba qabtaan oo ay wadahadlo bilaabaan.

SDN-Juba
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed