Mucaaridka oo la kulmay guddida farsamada ee heshiiskii badda
Hargeisa March 19, 2024 (QJ) -Xisbiyada Mucaaridka Somaliland ayaa la sheegay in ay soo dhaweeyeen heshiiskii Is-afgaradka ahaa ee ay dhawaan wada gaadheen Somaliland iyo Itoobiya, ka dib kulan dhexmaray hoggaanka labada xisbi mucaarid iyo madaxda guddida farsamada ee labada dhinac.
Kulankan oo ay goob-joog ka ahaayeen madaxda xisbiyada mucaaridka ah ee UCID iyo WADDANI, ayaa ujeedadiisu ahayd xog is-dhaafsi ku saabsan is-fahamka u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya ee badda iyo ictiraafka la isku weydaarsanayo, kaas oo guddidu ku hawlan tahay sidii loo dhammaystiri lahaa.
Kulankan ayaa intii uu socday waxa ay guddigu warbixin ka siiyeen hoggaanka sare ee labada xisbi mucaarid kulamo ay dhawaanahanba wadeen guddida Farsamo, kuwaas oo ay ka qaybgaleen qaybaha kala duwan ee bulshada.
Waxay diiradda saareen sidii qaybaha kala duwan ee bulshadu uga qayb qaadan lahaayeen fududeeyta hirgelinta heshiiska badda ee u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya.
Hogaamiyayaasha xisbiyadu waxay ku nuuxnuuxsadeen muhiimada dadaalka guddigu wado, iyagoo diray fariimo iyo talooyin la xidhiidha dhaqangelinta heshiiska.
Heshiiska ayaa la sheegay in Itoobiya wado wax ka bedlkiisa si Somalia loogu qanciyo miro dhalkiisa, tilaabadan ayay Somaliland ka soo horjeedaa