|

Mucaaridka Masar oo diiday wadahadal una dhacay aqalka Madaxtooyada

Qahira Dec 08,2012(SDN)-Mucaaridka dalka Masar ee sida weyn u diidan awood kororsiga uu dhawaan ku dhawaaqay madaxweynha dalkaasi ayaa diiday in ay wada xaajood la galaan madaxweyne Morsi.

Madaxweynaha Masar Maxamed Morsi ayaa maalmo dibed baxyo socdeen ka dib baaq wadahadal u jeediyay mucaaridka.

Mucaaridka ayaa baaqa ku tilmaamay mid aan waxba soo kordhineyn kol hadaanu madaxweynuhu ka noqon awoodaha uu maroorsaday.

Dhanka kalena dibed baxayaasha diidan iyana awood kororsiga madaxweyne Morsi ee ku xoonsan aqalaka madaxtooyada ayaa ku guuleystay in ay ka gudbaan difaacii hore ee ciidamada ilaaladu kaga jireen aqalka.

Dibed baxayaasha ayaa gidaaka aqalka Madaxtooyada ku qoray ereyo ay ku diidan yihiin awood kororsiga.

Waxa iyaguna difaac uga jira Madaxtooyada taageereyaasha xisbiga Akhwaanka oo ku goodiyaya in ay difaaci doonaan madaxweyne Morsi.

Waxaaney ku goodiyeen in ay u aargudi doonaa rag dhawaan ay mucaaridku ka dileen.

Masar ayaaney cadeyn halka ay xagan uga gudbi doonto hadii aan degdeg xal looga gaarin xaalada jirta.

SDN-Qahira

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed