|

Mucaaridka Iyo Xukuumada Jabuuti oo markii sadexaad maanta kulmay

Jabuuti July 11,2013(SDN)-Dalaka Jamhuuriyada Jabuuti ayaa tiroba sadex jeer waxa kulmay madaxda Axsaabta mucaaridka ee ku bahoobay dalada USN iyo guddi ka socda Xukuumada talkada dalkaasi heysa.

Kulankan sadexaad ee maanta ka dhacay caasimada Jabuuti ayaan ilaa iyo haatn wax xog ahi ka soo bixin waxaase la filayaa in la isweydaarsaday munaaqashooyin la xidhiidha sii wadida wadahadalada Ramadaanta dabadeed.

Waxa weli xabsiyada Jabuuti ku jira qaar ka mida madaxda Mucaaridka iyo Culumaaudiin xukuumadu ku eedeysay in ay amniga khal khal gelinayeen.

Xaalada siyaasadeed oo muragsan ku jiray intii ka danbeeysay doorashooyinkii Baarlamaanka ee dalka ka dhacay bishii February ee sanadkan.

Mucaaridka ayaa ku gacan seyray natiijooyin ay shaacisay Xukuumada Jabuuti oo sheegay in kuraasida badankoodu ay xukuumadu heshay.

Si kastaba ha ahaatee waxa muuqda in mucaaridku ay dareensan yihiin in wadahadaladu aaney u socon sidii ay rajeynayeen.

SDN-Jabuuti
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed