|

Mucaaradka Somaliland oo mar kale mudaharaado dhigaya

Hargeysa 9 September, 2022. (QJ)- Mucaaradka Somaliland ayaa mar kale ku dhawaaqay in ay samaynayaan dibad baxyo waawayn oo lagu dalabanayo doorashada madaxtooyada oo wakhtigeeda lagu qabto, kadib dedaaladii dhex dhexaadinta oo dhammaan fashilmay.

Baaqa mucaaradka Somaliland ayaa yimi kadib markii Muuse Biixi ku dhawaaqay isla markaana faray gudida doorashooyinka in ay qabtaan doorashada ururada oo kasoo horaysa doorashada madaxtooyada, waa sida uu madaxweynuhu qabo e’, arintaasi oo qalalaase hor leh Somaliland ka abuurtay.

Labada murashax ee doorashada ee doorashada madaxtooyada ee UCID iyo Waddani ayaa ku baaqay dibad baxyo kale illaa inta heshiis laga gaadhayo, iyagoo shirar kalana shaaciyay.

Qurbejoog waxay ogaatay in madaxweynaha Somaliland uu wacad ku maray “in aanu waligii murashax Cirro madaxweyne noqon doonin”, kadib munaasibadii Xirsi gudoomiyaha loogu doortay oo madaxweynuhu si toos ah u daawanayay markaas isla markaana u-qaadan-waa ku noqotay, sida ay Qurbejoog u xaqiijiyeen saraakiil goobta joogtay.

Somaliland waxa laga cabsi qabaa dagaalo sokeeye oo mar kale ay cagaha la gasho kadib madaxweynaha oo raba in uu si qasab ah u qabto doorashada ururada iyada oo aan heshiis lagu ahayn.

Comments are closed