|

Mucaaradka Somaliland iyo go’aano la filayo in ay qaataan

Hargeysa (QJ)- Magaalada Hargeysa iyo deegaanada Somaliland guud ahaan waxa ka socda wada tashiyo iyo shirar hoose oo ay leeyihiin mucaaradka Somaliland iyo beesha ay ku tiirsan yihiin taageero ahaan ee Garxajis, iyadoo xogo kala duwan aanu ka helnay arintan.

Qurbejoog waxay ogaatay in dad badan oo kasoo jeeda beesha Garxajis ay murashaxa madaxweynaha ee xisbiga Waddani u sheegeen in uu go’aan qadhaadh qaato isla markaana ka hor yimaado damaca Muuse Biixi ee ah doorashada ururada iyo xisbiyada imika jira oo meesha laga saaro.

Xogaha aanu ka helnay waxay sheegayaan in mucaaradku ay marka hore qaadayaan talaabooyin cadaadin ah kadib ay qaadan doonaan xalka ugu danbeeya oo ah mid milatari ama in ay dhankooda samaystaan ciidan ka amar qaata, taas oo ay muddo abdan ka diideen dhinacyada kula taliyay.

Waxa la filayaa in tallaabooyinka dhow ay ka mid noqoto cashuurta oo laga jaro xukuumadda Muuse Biixi iyadoo la filayo in mucaaradku dhawaaqaan in taageerayaashooda shacab iyo ganacsataba aanay wax cashuur ah siinin xukuumadda iyo dawladda illaa inta uu Madaxweynuhu ka laabanayo doorashada ururada. Waxa sidoo kale weheliya arintan tallaabooyin kale oo iyaguna aan ahayn xal milatari.

Cadaadisyada saaran labada masuul ee Faysal Cali Waraabe iyo Cabdiraxmaan Cirro ayaa sii kordhaya iyadoo dadka shacabku ay ugu baaqayaan go’aan qadhaadh iyo dagaal ay a galaan xukuumadda Muuse Biixi, halka ganacsatada iyo culimadu ay ka dalbanayaan in ay tanaasulaan.

Tanaasulka ayaa ah qodob aad looga diiday murashaxa madaxweynaha xisbiga Waddani, gaar ahaan safarkii ugu danbeeyay ee uu ku tago Burco, iyadoo dhammaan dhinacyada kala duwan ee bulshadu ay markaas ugu baaqday in aanu muujin wax tanaasul ah oo danbe ee uu kursiga fuulo.

Somaliland ayaa xiisadda ka jirta aan la ogayn meesha ay ku dhammaan doonto.

Comments are closed