Mucaaradayadu Maaha Mid Dalka Duminaysa Ee Waa Mid Dhisaysa Guddoomiyaha Ururka DALSAN Iyo Ololaha Doorashooyinka Somaliland Oo Maalintii Afraad Galay
Hargeysa (BMC)– Urur Siyaasadeedka DALSAN oo ololaha u lahaa Maalinta afraad ee Maalmaha ololaha doorashada, ayaa maanta fagaarayaasha Gobolada dalka ku soo bandhiya cududa taageerayaashiisa.
Taageerayaasha Magaalooyinka dalka ee Hargeysa, Berbera, Burco, Ceerigaabo, Laascaanood iyo Boorama, ayaa subaxdii hore isugu soo baxay Fagaarayaasha Magaalooyinkaasi, iyagga oo sitay calanka Dalsan iyo Sawirada Musharixiinta golayaasha deegaanka.
Taageerayaasha DALSAN oo watay gaadiid tiro badan ayaa markii ay gaadheen Fagaarayaasha waxa khudbado u jeediyay Masuuliyiinta ururkaasi ee Gobolada iyo dalka, kuwaasi oo taageerayaasha u jeediyay khudbado ku aadan ololaha doorashada.
Fagaaraha beerta xoriyadda Hargeysa, ayaa waxa taageerayaasha khudbado uga jeediyay Musharixiinta u sharax golaha deegaanka Caasimadda Hargeysa, kuwaasi oo ka codsaday inay codkooda siiyaan.
Guddoomiyaha ururka DALSAN Ismaaciil Aaden Cismaan (Ismaaciil Yare) oo halkaasi khudbad ka jeediyay, ayaa sheegay in mucaaradnimadoodu tahay mid wax dhisaysa, balse aanay ahayn mid wax lagu duminayo.
Ismaaciil Yare oo arimahaa ka hadlayaana waxa uu yidhi “Waxaan salaamayaa oo aan leeyahay Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland , wixii laguu doortay ILAAHAY haku garansiiyo, wixii ka qaloocan ILAAHAY hakuu toosiyo, maaha mucaaradku in uu Madaxdooda caayo oo kaliya ee waa inuu u duceeyo oo xilka ay ummada u hayaan ugu ducaysaan”
Ismaaciil Aaden Cismaan, waxa kale oo uu soo qaaday “Anigu mucaarad ayaanu nahay, laakiin caayi mayno oo habaari mayno (xukuumadda), Sababtu waxa weeyaan marka aanu badelayno inaanu u nimaadno wax la sii qabto oo horumar la gaadhsiiyo, ma doonayno meel duntay ma doonayno”ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Sidii markii aanu anagu UDUB aanu ahayn Kulmiye noo lahaa dhaca, oo dhinta oo baaba’a, odhan mayno ee waxaanu leenahay kora oo noolaada oo dalka wax u qabta”
www.Somalideasporanews.com Hargeisa