MSF oo cabaareysan kooxo shaqaalaheeda ku hesta Soomaliya dalbatana in la sii daayo
Nairobi Dec 29 2012 (SDN)— Hay’adda Dhaqaatiirta Aan Xuduuda La heyn ee Médecins Sans Frontières (MSF) ayaa sheegtay in ay aad uga murugsantahay labo shaqaalaheeda katirsanaa oo sanad ka hor lagu dilay Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.
Philippe Havet oo ka soo jeeda Belgium ahaana Xiriiriyaha Barnaamijyada Deg dega ah iyo Andrias Karel Keiluhu oo insa Indonesia ah Dhaqtarna ahaa ayaa sanad ka hor lagu dilay Muqdisho, waxaana falkaasi uu saameeyay dad badan oo Soomaali ah.
“Philippe iyo Kace waan weynay maanta waxa uu soo badhigeynaa dareyn keena jacey waxaana tacsi u direynaa qoskii iyo saaxibadii ay ka geeriyoodeen.” Sidaasi waxaa sheegay Agaasimaha MSF Christopher Stokes.
Dhacdaasi kaddib MSF waxa ay go’aansatay in ay xirto labo xarun caafimaad oo ku yaalla Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho, hase ahaatee waxaa jiray howlaglo caafimaad oo ay kawado xiryaha kuyaala Kenya iyo Ethiopia oo ay Soomaali badan ku noolyihiin.
Maanta, labo kale oo shaqaalo MSF ah oo lagu kala Magacaabo Blanca Thiebaut iyo Montserrat Serra ayaa wali lagu heystaan Soomaaliya markii laga afduubta Dhadhaab bishii October 13,2011, waxaana MSF markale ay cabaareysan falkan xad gudubka ah iyadoo dalbatay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo sii daayo dadkaasi.