Mowshinkii laga waday Xukuumadda Ra’iisul wasaare Saacid oo fashilmay
Muqdisho May 22 2013 (SDN)— Barlamanka Jamhuuriyada Soomaaliya ayaa maanta kulan ay uga hadlayeen Mowshin laga keenay Xukuumada Ra’iisul wasaare Saacid waxa ay ku yeesheen Xarunta golaha Shacbiga ee Magaalada Muqdisho.
Kulanka oo uu shirgudoominyay guddoomiyaha barlamanka Prof Jawaari ayaa waxaa soo xaadiray 200-xildhibaan waxaana laguda galay arrimaha kulanku uu ku saabsanaa ee mowshinka.
Prof: Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo kulanka furay ayaa sheegay in xildhbaano gaaraya 93-mudane ay moowshin ka keeneen Xukuumada hadajirta, islamarkaana la siiyay muddo fursad 5-cisho aheyd.
Guddoomiyaha oo hadlkiisa sii wata ayaa tilmaamay in intii lagu guda jiray mudadaasi ay qaar badan oo kamid ah xildhibaanadii mowshinka keenay ay ka taasuleen mowqifkoodii hore sida uu hadalka u dhigay.
Jaawir ayaa carabka ku adkeeyay in maadaama uu fashilmay mowshinkii xukuumada laga waday xilligan wixii ka danbeeya Xukuumada Ra’iisul wasaare Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ay siiwadan doonto howlaheeda shaqo.
Maalmahan dambe Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka socday kulamo gooni gooni ah oo ay wadeen xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya qaarkoodna mooshinka maanta fashilmay lagu dhiiragelinaye halka qaarna lagaga soo horjeeday.
SDN-Muqdisho