Mooshino Lidi Ku Ah Madaxweyne Xasan Sheekh Iyo Ra’isal Wasaare C.weli oo ka Soo Cusboonaaday Aqalka Baarlamanka,Eedo Musuq Maasuq oo loo Xambaariyay iyo Xil Gudasho la’aan
Muqdisho 18.July 2014 (SDN/QJ)- Warar hoose oo naga soo gaarayo dhanka Xildhibaanada Mucaaradka ku ah Madaxweyne Xassan Sheekh ayaa sheegaya inay wadaan Mooshin lagu maja-xaabinaayo Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud iyo R/wasaare C/weli oo iyagu lagu eedeeyay inay dayaceen Ammaanka Dalka iyo Hantida Qaran.
Wararku waxa ay nagu soo gaarayaan in ku dhawaad 160 Xildhibaan ay qalinka ku duugeen warqad la sheegay inay saxiixayeen Xildhibaanada Mucaaradka ku ah Madaxweyne Xassan kuwaasi oo badi ka duulaayo warbixinta ay soo saartay Un-Monitering group, Dayacaada Ammaanka Dalka iyo Beegsiga lagu haayo Xildhibaanada khibrada u ah Siyaasadaha Dalka.
Xildhibaanada oo siyaabo kala duwan ugu kulmayaan Hoteelada Magaalada Muqdisho ugu caansan ayaa waxa ay halkaasi gorfeeynayaan Damacyada Siyaasadeed ee xiligaani uu lasoo baxay Madaxweynaha, wallow warar hoose ay tibaaxayaan in Xassan uu Habeenimadii xalay Xildhibaanada Mucaaradka oo ku shiraaayay Hotel Jazeera ka dalbaday wada hadal, Hayeeshee uu ku gacan-seyray.
Xildhibaan magaciisa ka gaabsaday oo ka tirsan Xildhibaanada Mucaaradka ku ah Madaxweyne Xassan Sheekh iyo RW C/weli Sheekh, ayaa inoo xaqiijiyay inay isku raaceen in Mooshin kii horey uga keeneen Xasan Sheekh ay dib usoo cusbooneysiinayaan iyagoo sabab uga dhigay inuu lunsaday hantida shacabka u taalay dibadaha, kuna fashilmay inow sugo Amaanka Xildhibaanada Barlamaanka Federaalka.
Waa Markii labaad ee Golaha Shacabku Somalia ay Eedo ka dhan ah Maamulka Madaxweyne Xasan Sheekh ay u soo Jeediyaan.
Muqdisho SDN/QJ