Mooshinka Ka Dhanka ah Xukuumadda Ra’isal Wasaare Cabdiweli Oo Isniinta loo Ballansan yahay Iyo Guddoomiye Jawaari Oo Digniin Diray
Muqdisho:Nov,22,2014(SDN/QJ)-Maalinta Isniinta ee Bishani Tahay 24-ka, ayaa waxa loo ballamay in Golaha Baarlamaanka somalia la horkeeni doono Mooshinka ka dhanka ah Xukuumadda Ra’isal wasaare Cabdiweli sida uu shalay sheegay Guddoomiye Jawaari.
Guddoomiye Jawaari ayaa si rasmi ah u shaaciyey inuu mooshinkaas mudanayaasha u qaybin doono, isla-markaana aanu aqbali doonin buuqa iyo qaylada ay wadaan xubno Baarlamaanka kamid ah oo arrintan kasoo horjeedaa.
Gudoomiyaha, ayaa sheegay inaanu intaan ka dib sii hayn karin mooshinka laga keenay Xukuumada, isla-markaana uu doonaayo in uu is dhaafiyo, isagoona u digay Xildhibaanada arbushaada abuureya.
Maxamed Sheekh Cismaan, ayaa Xildhibanaada ugu baaqay inay is xakameeyaan oo mooshinkana loo qaybin doono, si anshax lehna ku qaataan, isla-markaana wuxuu ku goodiyay inaanu aqbali doonin wax rabshado ah.
Prof. Jawaari, ayaa muujiyay in tallaabo laga qaadi doono Xildhibaan kastaa oo isku deyaa in fowdo iyo buuq uu ka dhex abuuro Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho.
Isagoo Saxaafada kula hadlaayay Garoonka Aadan Cadde, xilli uu u amba baxaayay Magaalada Djibouti, ayuu carab dhabay in Axada uu dalku ku soo laaban doono, maalinta Isniinta ahna uu Baarlamaanka horkeeni doono mooshinka.
Jawaari, ayaa u mahadceliyay Xildhibaanada Baarlamaanka ee ixtiraamka sameysay, halka kuwa kale ee arbushaada abuuraayana uu ugu cago jugleeyay inaanu u dulqaadan doonin, markan.
Jawaari iyo wefdi uu hogaaminaayo, ayaa shalay u safray dalka Jabuuti, si ay uga qaybgalaan shir ay lee yihii Jaamacada Carabta.
SDN/QJ