|

Mooshin Madaxweyne Gaas Laga Geeyey Baarlamaanka Oo La Laalay Iyo Qoddobada Loo Daliishaday Laalistiisa

Garowe:May,17,2015(SDN/QJ)-Guddoonka Baarlamaanka Maamulka Puntland, ayaa laalay mooshin xubno Golahaas kamid ahi ka Gudbiyeen Madaxweyne Cabdiweli Gaas.

kjorMooshinkan, ayaa salka ku hayey in Madaxweynaha loogu yeeddho kal-fadhi aan caadi ahayn oo Goluhu yeeshaan, kaas oo sida la sheegay in saxeexeen Mudanaal tiradoodu tahay 21-mudane.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Siciid Xasan Shire oo soo saaray warbixin uu kaga jawaabayey mooshinkaas ayaa sheegay inaanay suuragal aheyn in la qabto Mooshinka, kadib markii uu sheegay  in dalabka kalfadhi aanu gaarsiisneyn heerkii loogu talo galay in lagu qabto.

Gudoonka Baarlamaanka wuxuu sidoo kale, sheegay in sida ku cad qodobka 65-aad farqadiisa 2-aad ee Dastuurka aanay xildhibaanada keenin mooshin buuxiyey shuruudaha looga baahnaa sidaasna u laalan yahay kalfadhiga iyo mooshinka.

Waxa kale oo uu sabab ka dhigtay in Lix mudane ka tanaasuleen mooshinkaas, isla-markaana laba kale aanu  caddayn saxeexoodu, taasina keentay in tiradii mooshinka lagu keeni karayey ay sharci ahaan intii la rabay ka yartahay.

Mooshinka ka dhanka madaxweynaha, ayaa la doonayey in lagu abaabulo mawjado mucaaradad ah, kuwaas la doonayey in la gaadhsiiyo heer xilkiisa madaxweynenimo lagu liiliijiyo.

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed