|

MA JIRAA QODOB SHARCIYA OO XAKAMAYNAYA AWOODDA DAWLADA HOOSE IYO GOLIHII HORE EE DEGAANKA XILLIGA KALA GUURKA?

WAXAA KA BILAABMAY MASALIHII CASIMADA HARGYASA SAYLAD WAYN OO LAMIDA

TII XOOLAHA HARGAYSA ,OO LAGU KALA GADANAYO DANTII GUUD EE LAGA JARAY

BEERAHA ,WAXAANA KA SOCOTA (IGA GAD IYO KAA GADI MAAYO)

 

Anigoo ka mid dadka ku dhaqan casimada hargaysa daneeyana horumarka dalkayga iyo

dadkayga, lana dagaalama qabyaalada iyo musuqmaasuqa, magacayguna yahay Cabdilaahi

cismaan cabdi (Cabdilaahi Gadhle) aniga oo ka faa,iidaysanayaa fursadan qaaliga ah waxaan

doorbiday in aan wax yar ka tilmaamo ,dhibaatada shacabka reer Somaliland oo dhan ka

haysata golihii deegankii hore ee liiska ku yimi ,

 

Laga bilaabo malintii aynu u hub qaadanay in aynu galo doorashadii golaha deeganka her

degmo , runtii waxaad mooda in ay dad badan waxii ay kala kulmeen nacsiisay in ay doorasho

danbaba codeeyan, dhibatooyinka inaga soomaray hadan wax ka tilmaamo gaar ahaan

casimada hargaysa oo aan xogogaal in badan aan u noqday, dhaqamada qalafsan ee , hanti

boobka leh ee yalaa halkaas waxaa ka mida

 

Xildhiibaan ku hawlan in uu danguud u badasho dangaara

 

Xildhiiban ku hawlan hadii ay madaxda ka saraysaa fulin waydo waxa uu rabo in isaga

iyo inla midi mooshin soodiyaariyaan ka dhana cidii ka hor timaada musuqmaasuqa uu

wado

 

Qashinka magaalooyinka waaweyn oo aanad garanayn marmarka qaar cid inooga

masuula , haga jintooda ,

 

Hadaan usoo noqdo dhulkii loogu talo galay danta guud , ee u qorshaysnaa in ay

noqdaan garoomo kubada lagu ciyaaro , goobo caafimaad , goobo waxbarasho, goobo

hayada abnigu isticmaalan, iyo dhul kayda oo marka dawladu u bahanto la isticmaali

karo, oo uu wajibku ahaa in intaas ba laga helo dhulka dihiin ee beeraha ee hada qorsha

cusub u ka socdo ,si hargaysada cusubi u heesho Janis kabadan intii hargaysadii hore

wayday ,ayaa waxaad arkaysaa iyadoo beerihii danbana wakhtigaa aynu joogno aan

laga heli Karin meel danguuda , oo shiciku ku xisaabtamo ,sida runtiiiya arintaas waxaan

ku tilmaami karaa masiibo qaran oo inagaga timi dawaladaheeni hoose, walaalayaal

 

shacabka ree somalilandnow indhihiina wax ku arka oo soo kormeera waxaan aan ka

hadlayo waayo xilba inaga saran wadanka dhamaan sheikh, madaxweyne, xildhibaan,

aqoon yahan, dumar, iyo dhalinyaraba, waxaaynu dhamaan wadanka u nahay danjire ,

 

Waad ogayd banayntii jidadka waaweyn markii ay haleeli wayday dawlada hoose ,iyagoo

ku mashquulsan danahooda gaarka ah, waatii dawlada dhexe bilaawday in ay si

xilkasnimo leh u bilaawdo in hawshaas gudato ,iyadoo ka indha qarsanaysa waxa

halkaas ceeb iyo fool xumo uga soo hoyatay dawlada hoose , hadaba hadii dawlada

hoose shaqooyinkooda u madax banana yihiin miyaanay jirin , shuruc loo dajiyey ,

mudadii uu barlamaanku aynu soo dooranay u joogay meesha,

 

Dhibaatada ugu waynee kale ee aan la kulmay waxaay ahayd ,habeen habeenada

kamida goor fiida oo uu casimada roob wayni ka da,ay , waxaan sii socdkii aan

sii maray ,madaxtooyada dabadeeda ,hadana soo socdkii waxaan soo maray

madaxtooyada horteeda ,waxaan kala kulmay qashinkii ugu faraha badnaa ee meel

la dhigo oo waliba daadkii kala firdhiyey oo iniba meel tuulantahay madaxtooyada

horteedii ,sidaynu wada ognahay dalwalba murayadiisu waa laba

 

1. Eeriboodhkiisa

2. Madaxtooyadiisa

 

Markaay cayn kaas tahay walaalayal gaar ahaan inta ku nool casimada hargaysow

miyaanay nimankii aynu u dooranay in ay horumariyaan casimada hargaysa anay dhan

walba inaga naafayn , qof kastoo muwadina oo akhrista maqaalkan waxaan odhan lahaa

fikirkaaga ka dhiibo ,dhibaatooyinkii inaga soo maray golihii degaanka dalkoo dhan aynu

u dooranay

 

TALO BIXIN

 

Waxaa talo bixin iga ah in dhamaan xildhibaanadii golaha deeganka hargaysa maxkamad

la soo taago, (dhamaan 25 kii xildhibaanba) ujeedada ka danbaysaa ee ugu mihiimsani

ay noqon doonto, in ay dawo u noqoto kuwa hada soo socda, diinteena subanina waxay

ku odhanaysaa cid kasto samaysa sune xun markaasto la xasuusto qof kaas ilahay

cadaabta ayuu u sii laban labaa,

 

Si hantida deeganka loo badbaadiyo halaga xanibo awooda qaar, gaar ahaan kuwa ugu

mihiimsan mudada kala guurka , waayo xukumada dhexe dhamaan danaha qaranka

iyada uga masuula umada

 

In dawlada dhexe u dalbato odhid arintan, dabagal balaadhan ku sameeya , iyo waliba

gudidii musuqmaasuqa ee qaranku leyahay, waayo hadii danbiile ama tuug waliba inta u

ka dhamaysto uu si sahalan marka wakhtigu ka dhamaado u iska tagi karo taasi waxaay

u noqonaysaa wado furan oo aan lahay meel lagu soo af jaro

 

In hantida xildhibaanada hada wakhtigu ka sii dhamaanayo la xayiro, mudada baadhistu

socoto ,kadib kii danbigaasi ku cadaadana, hantidiisa uu sheeganayo ee uu ka xaday

umada dib loogu xaraasho deeganka

 

In dhamaan golayaasah qaranku dib uga fiiirsadan awooda dawlada hoose ay

yeelanayso ,waxaanan ku talin lahaa in aan awood dhamaystiran la siiinin inta la helaayo

shacab u bisil wadada horumarka iyo waxii ALLE inoo abuurtay ,

 

Wasaarada arimaha guudaha haloo badalo in ay noqoto ,(wasaarada arimaha gudaha

iyo dawlada hoose) , halkay markii hore ka ahayd wasaarada arimaha gudaha , taas

macnaha ka danbeeyana u yahay , in si wada jira dawlad hoose iyo dawlad dhexba looga

wada war hayo danaha bulshada ee hoose iyo kuwa guudba

 

Golayaasha barlamaanku in ay dhamaystiraan shurucdii goleyaasha

deeganka ,iyo kala xadaynta degmooyinka iyo casimadaba , oo iyaga laftoodu maruun

wax ha dhamaystiraan

Inta la saarayo maxkamad golaha deeganka casimad hargaysa waxaan si sharaf leh

uga codsanayaa anigoo ku hadlaaya afka dadka dega casimada hargaysa , in ururada

Somaliland anay dib usoo sharaxiin nimankaas aan ku tilmaami karo in ay yihiin tusaale

xun ama (vampires),

 

ururada hogaankooda maamul ku soo darsaday cid kamida golahaas aan sare ku

soo xusay haka noqdaa inta danbi uu ku cadanayo ama uu ka badbaadayo, waayo

maqaalkani waxa uu huwan yahay dacwad ka dhana golihii hore ee deganka hargaysa

 

GEBAGEBO

 

Waxaan ku soo gabagaynayaa shacabka reer somalilandnow hadaynu hagaagno dhamaan dawladeena

iyo hogankeenuba way hagaagayan , tusaale ahaan oo aynu wax ku doorano yaa daacada oo wax inoo

qaban kara ama la amini kara , hadan yara xuso qofka mudan inla doorta kuu yahay

 

  1. Waa inuu ahaada qof bulshada uuka soo baxayo marka horeba sharaf ku dhex lahaa
  2. Waa inuu ahaada qof muslima kuna dhaqma diinta islaamka
  3. Waa inaanu ahaan qof ku sifoobey sifo qabyaladeed ,
  4. Waa inaanu danbi galin mid qaran iyo mid shakhsi toona
  5. Waa inuu ahaada cashuur bixiye sitana cadaymihii
  6. Waa inuu hanti kuleeyahay magalada uu ka sharaxan yahay ,
  7. Waa in hantidiisu diiwan gashantahay ka hor intaanu ku guulaysan jagada uu u Tartamaayo
  8. Waa inuu ahaada qof bulshada uuka soo baxayo marka horeba sharaf ku dhex lahaa
  9. Waa inuu ahaada qof muslima kuna dhaqma diinta islaamka
  10. Waa inaanu ahaan qof ku sifoobey sifo qabyaladeed ,
  11. Waa inaanu danbi galin mid qaran iyo mid shakhsi toona
  12. Waa inuu ahaada cashuur bixiye sitana cadaymihii
  13. Waa inuu hanti kuleeyahay magalada uu ka sharaxan yahay ,
  14. Waa in hantidiisu diiwan gashantahay ka hor intaanu ku guulaysan jagada uu u

tartamaayo

ALLA WAYN

Waa qalinkii ;’ Cabdilahi Cisman Cabdi (Cabdilahi Gadhle)

Comments are closed