|

Misaaniyad Mala-Awaal ah oo aan xisaab celin laheyn + Mala -Awaal cusub oo gaadhaya 212 Miyan oo dollar oo indho sarcaad qaawan ah

Dakhliga miisaaniyadu sidiisaba  waa mala-awaal cilmiyeysan (educated guess) oo ku saleysan qiyaas (projections)  Taas oo ka bud-dhig u-ah siyaaasada qaranka  kana turjumeysa mar-walba  baahiyaha dhaqan dhaqaale ee dhabta ah ee wadanka ka jira sida baahiyaha adeegyada aas-aasiga ah ee kowaad ee nolosha bulshada  sida biyaha, caafimaadka,degaanka iyo xoolaha,kor u-qaadista waxbarashada gaar ahaan farsamada gacanta, kor-u-soo qaadista ilaha dhaqaalaha si shaqooyin loo abuuro iyo kor  u-qaadista  wax-soo saarka cuntada sida beeraha iyo kaluunka.

Marka la isla meel-dhigo  dakhliga ayaa ka dib  laga fuudh-yeelaa baahiyaha dhabta ah ee markaas jira iyada oo mud-naanta loo siinaayo sida ay u-kala mu-hiimsan yihiin una kala horeeyaan baahiyahaasi (Prioritize).  Hadaba waxa aan caad-saarneyn in aaney ka turjumeyn miisaniyada sanadka soo socda ee hor-dega ah ee indho-sarcaadka ah ee mash-qaca ah ee ay xukuumadu -soo dhoob-dhoobtey sanadka 2014-ka  dhamaan baahiyihii muhiimka-ahaa ee adeegyada nolosha shacabku ay ku dhisneyd ee noloshooda ummada kor-u-soo-qaa-daayey.Waxaa marag-madoonto ah in miisaaniyadani ay  cirka ku-sii shareeri doonto   sicir-bararkii maceeshada wadanka taas oo saameyn doonta dhamaan nolosha guud ee shacabka reer S/land, iska daa-wax-ay inoo soo kordhisee!

Madax-weyne Siilaanyo wuxuu khudbadiisii sanadkii hore  uu  kaga  dhawaajiyey  in waqtigii ay xilka la wareegeen ay Miisaaniyada Somaliland aheyd 50 Milayan oo Dollar, Sanadkii 2013 kiina ay sadex-laab ka dhigeen oo ay gaadhsiiyeen 170 Millyan oo Dallar.  Sanadka soo socda ee 2014-na ay xukuumada siilaanyo oo xariifad ku ah sida qiiqa la isugu qariyo ay soo odorstey oo soo  mala-awaa-shey oo soo dhoob-dhoobtey miisaaniyad been-abuur ah oo mad-madow badan oo gaadheysa 212 Millyan oo doolar,

.Waxaa ay xukuumadani  ay caadeysatay in aaney soo bandhigin kharashka runta ah (actual) ee baxay sannadkii hore si loo ogaado loona naqdiyi karo faraqa (deficit or surplus) u dhaxeeya miisaniyada mala-awaalka ah (estimate) iyo kharashka runta ah (actual).

Mar haddii taa la waayo oo uu xaalku noqoto miisaaniyad mala-awal ah iyo mala-awaalkii miisaaniyadii sanadkii hore oo la  bar-bar dhigaayo uun mala-awaalka miisaaniyada sanadka cusub ee soo socda wax qiima ah oo ay ku fadhiyeysaa miisaaniyadaa badan ee been-abuurka ahi ma jireyso.Waxay aheyd intaan wax-la soo dhoob-dhoobin in  odoroska miisaaniyada loo soo xulo xeel-dheerayaal-debedeed iyo qaad maxali ah si ay isu-maskax-tuujiyaan ka dibna ay aqoon-tooda weel-ugu shubaan oo u-cabsiiyaan hawl-wadeenada aan aqoonta buuxda u-laheyn  ee shaqadan loo igmadey si miisaaniyada loogu fadhiisiyo baahiyaha lagama maar-maanka u-ah nolosha aas-aasiga ah ee shacabka Somaliland.

Odoroska misaaniyada sanadka soo socda oo uu ka muuqdo musuq-maasuq iyo mad-madow fara badani waxaan ku baleysimayaa oo aad ila wadaagtaan Wasaarada Madaxtooyada oo ah wasaarad kooban oo shaqaalaheedu gaadhaayo 27 shaqaale oo qudha oo ay ku jiraan 3 agaasime waaxeed oo keliya ayaa miisaaniyadeenu ay ku qoran tahay in ay noqoneyso 7 millyan oo doolarl.Waxaa iyana ummadii iyo golihii baarlamaanka ee miisaaniyadaa la horkeenay ay la yaabeen markii ciidankii ilaa-lada madaxtooyada oo hore miisaaniyadoodu ay ugu jirey ciidanka qaranka la yidhi miisaaniyadooda ayaa iyana noqoneysa sanadka cusubi  3 Millyan oo dollar oo u-dhiganta misaaniyada  wasaarada beeraha s/land.Waa Yaab Alleh!! Waxaa  Misaaniyadi ku tuseysaa in ay tahay mid aan laga soo baaraan degin oo been-abuur ah oo  kaan-beyn ah oo shacabka lagu soo jiidanaayo si cod looga helo mustaq-balka.

Ceebaha kale ee aaney tebin ee xukuumadan  dul-hoganaaya waxaa ka mid-ah kharajaka Martiqaadyada ((Entertainments) oo ay ku-jiraan  kharajka shaqaalaha aan joogtada aheyn ee qurbo-jooga u-badan, tigidhada iyo hudheelada 5* ah ee ay kolba wadan isu daba-yaacayeen sanadihii la soo dhaafey iyo sanadkanba wuxuu ka badan yahay miisaaniyada  xeer ilaalinta, qorsheynta, beeraha, xanaanada xoolaha iyo cadaalada taas oo ah aqoon-daro lagu tagri faley cashuurtii yareyd ee ummadda baahan wax-loogu qaban lahaa. Hadaba markaad u-fiirsato muwaadinow ,baahiyaha dhaqan-dhaqaale ee is-barkan ee haysata dhalinyarada shaqo-la’aantu ragaadisey iyo daalaa-dhaca dan-yarta Somaliland, sicir-bararka isa soo taraaya iyo heerka nolosha  maanta ee ay danyartu  taxadka ku sii socoto sanadba sanadka ka danbeeya,taas oo weliba marka ay dhawaan cashuurta guud iyo ta  gaadiidka la  kordhiyo ay aad u-saameyn-doonto dan-yarta iyo dhamaan shacabka S/land.

Markaad Mucaadinow u-fiirasato dayaca ba’an ee ka taagan degaanka Somaliland oo maanta ciida ama carada degaanada Somaliland 30cm ee ciida ugu sareysa ee ay nolosha bi’aadanku -ku xidhneyd  ay nafaqadii ka dhamaatey oo nabaad-guurey. Markaad u-fiirsato dayaca ba’an ee haysta daaq-la-aanta  xoolaha Somaliland ee nolosha ummadu ku-xidhan-tahay ,waxaa  marag-madoonto ah in xukuumadii ummaddu dooratey ee diratey ay hagaastey oo ay hagratey oo  noqotey hogaan habacsan oo uu musuq-maasuq hadheeyey taas oo aan laheyn ( Coaches) iyo xeel-dheerayaal  wanaagsan oo ku hogaamiya xukuumada  haykalkii iyo hogaankii dawladnimo iyo hab-raacii nidaamkii dastuuriga ahaa ee uu ku qotomey dhismihii ,karaamadii iyo milgihii qaranimo, laakiin nasiib-daro maanta xukuumadii waxay weydey samo talis,iyo hogaan daacad ah oo  tubta u-saara wadanka toobiyaha toosan si aaney u-taraarin oo aaney u-turun-turoonin.

Waxaa wax-garadka wadanka oo wadanaha farta ku-hayaa uu isku raacey in aaney xukuumadani  aheyn mid-dadaal badan oo digtooni badan oo la sii dugsan karo, In aaney Xukuumadu  aheyn mid-garwaaqsatey duruufaha kala duwan, shaqo-la,aanta baahsan, biyo-la,aanta caasimada iyo baahiyaha is barkan ee ku-habsadey shacabka saboolka ah ee Somaliland , in ay tahay xukuumad wadata siyaasad guracan oo ma-dhaleys ah taas oo caadeysatey in ay muraayad madow ka gashato xog- ogaantii iyo  xaqiiqda dhabta ah ee maanta dalka  iyo heerka nolosha ee bulshadu kolba mareyso.

Geba-Gebo:  Odoroska  miisaaniyada sanadka cusub ee musuq-maasuqa iyo mad-madowga badani ka muuqdaa ma aha mid ka turjumeysa baahiyaha is-barkan ee adeegyada aas-aasiga ah ee kor-u-qaadida nolosha shacabka, ma-aha mid ka turjumeysa kobcinta dhaqaalaha gaar-ahaan shaqo abuurka wadanka,xoojinta ilaha dhaqaalaha ee wadanka, kor-qaadista caafimaadka iyo tayenta wax-barashada dalwlada oo hada taxadka ku sii socota, waxaana ay saameyn doontaa marka cashuurta la kordhiyo dhawaan nolosha guud ee dhamaan shacabka tabaaleysan ee reer S/land.

Alleh ayaa mahad iyo Mudnaanba Leh
Wehelkiinu Waa-Alleh iyo Nebi (scs)
Wa-laahum-aclum Wa-Bilaahi-Tawfiiq.
A/rahman fidhinle
intensive ED.BD,PA
London- UK

Comments are closed